Muxuu Baarlamanka ka hor sheegay Erdogan kadib weerarkii Saaka?

Image

ANAKRA - Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta ka qayb galay kalfadhiga baarlamaanka Turkiga, saacado yar kadib weerar argagixiso ah oo lagu qaaday xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee magaalada Ankara.

Erdogan ayaa kalmadiisii ku yiri: “Waxaan salaamayaa dhamaan muwaadiniintii noo codaysay doorashadii u dambeeyay, dhibaatooyin badan ayaa ina soo maray, oo ka mid ahaa isku daygii afgambi oo fashilmay”

Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan ka codsanaya qof walba inuu ka qaybqaato diyaarinta dastuurka cusub ee Turkiga.”

Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in dhulgariirkii ugu dambeeyay ee Turkiga uu ku kacay lacag dhan 105 bilyan oo dollar, isagoo sheegay in lacagtaasi ay aad ugu culustahay dal hadda soo koraya.

Isagoo ka hadlayay weerarkii argagixisanimo ee saaka dhacay waxuu Madaxweynuhu sheegay in ururada argagixisada aysan ku guuleysan doonin inay ka horstaagaan Turkiga xaqiijinta ahdaafta hor yaala.

Dhanka kale, Madaxweynaha oo la hadlay Midowga Yurub ayaa sheegay in aysan u baahneyn xubinnimada ururkaas, wuxuuna sidoo kale kula taliyay inay saxaan khaladaadka ay galeen, isla markaana aysan Turkiga wax tanaasul ah ka sugin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma Mehrdad Akhlaghi, wasiirka cusub ee difaaca Iiraan ee u hanjabay Mareykanka?

Sida laga soo xigtay warbixinta, 237 mudane oo baarlamaanka ka tirsan ayaa taageeray magacaabistiisa, halka 15 ay ka horyimaadeen.

  • Caalamka

    18-10-2026

  • 12:54PM

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM