Muxuu macalinkan uga cudur daartay inuu ardaydiisa u dhigo maadada sharciga caalamiga ah?

Image

BEIRUT (GO) - Aqoonyahan u dhashay dalka Lubnaan ayaa ardaydiisa uga raalli geliyay waqtiga uu ku bixiyay barista maadada sharciga caalamiga ah, ka dib markii uu goob joog u ahaa dambiyada ay Israa'iiliyiintu ka geysanayaan Qasa, isaga oo u arkayo in sharciyadaas ay ku guuldareesteen inay wax ka qabtaan Israa'iil.

Professor Camille Habib, oo ah borofisar cilmiga siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah ka dhiga jaamacadda Lubnaan, ayaa ku qoray bartiisa 'X' in caalanka uu sharci ka jirin, oo ay marwalba awoodda sarreyso.

Qormada borofisarku waxaa aqriyay saacadihii la soo dhaafay ku dhawaad ​​laba milyan oo qof, iyaga oo ku taageeray mowqifkiisa ku aaddan in beesha caalamka ay iska indha tireen xasuuqyada loo geysto Falastiiniyiinta.

Qoraalka Borofisar-ka ayaa ku soo beegmay xilli ay Israa’iil ku hayso dadka rayidka ah ee ku nool Marinka Qasa dullaan socda muddo ka badan 25 maalmood,.

Wadamo badan oo reer galbeed ah ayaa diidan inay cambaareeyaan xasuuqa Israa'iil, oo ilaa hadda sababay dhimashada in ka badan 8,700 qof, oo u badan haween iyo carruur.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma Mehrdad Akhlaghi, wasiirka cusub ee difaaca Iiraan ee u hanjabay Mareykanka?

Sida laga soo xigtay warbixinta, 237 mudane oo baarlamaanka ka tirsan ayaa taageeray magacaabistiisa, halka 15 ay ka horyimaadeen.

  • Caalamka

    18-10-2026

  • 12:54PM

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM