Muxuu macalinkan uga cudur daartay inuu ardaydiisa u dhigo maadada sharciga caalamiga ah?

Image

BEIRUT (GO) - Aqoonyahan u dhashay dalka Lubnaan ayaa ardaydiisa uga raalli geliyay waqtiga uu ku bixiyay barista maadada sharciga caalamiga ah, ka dib markii uu goob joog u ahaa dambiyada ay Israa'iiliyiintu ka geysanayaan Qasa, isaga oo u arkayo in sharciyadaas ay ku guuldareesteen inay wax ka qabtaan Israa'iil.

Professor Camille Habib, oo ah borofisar cilmiga siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah ka dhiga jaamacadda Lubnaan, ayaa ku qoray bartiisa 'X' in caalanka uu sharci ka jirin, oo ay marwalba awoodda sarreyso.

Qormada borofisarku waxaa aqriyay saacadihii la soo dhaafay ku dhawaad ​​laba milyan oo qof, iyaga oo ku taageeray mowqifkiisa ku aaddan in beesha caalamka ay iska indha tireen xasuuqyada loo geysto Falastiiniyiinta.

Qoraalka Borofisar-ka ayaa ku soo beegmay xilli ay Israa’iil ku hayso dadka rayidka ah ee ku nool Marinka Qasa dullaan socda muddo ka badan 25 maalmood,.

Wadamo badan oo reer galbeed ah ayaa diidan inay cambaareeyaan xasuuqa Israa'iil, oo ilaa hadda sababay dhimashada in ka badan 8,700 qof, oo u badan haween iyo carruur.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM