Natiijada dacwadda ka dhanka ah Israa’iil oo isha lagu hayo & mowqifyada dalalka Midowga Yurub

Image
Dunidu ayaa si weyn u sugayso go’aanka horudhaca ah ee Maxkamadda (ICJ).

Muqdisho (GO) - Iyadoo dunidu ay si weyn u sugayso go’aanka horudhaca ah ee Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ee ku aadan kiiska xasuuqa ee Koonfur Afrika kusoo oogtay Israel, hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub ayaa u muuqda kuwo ku kala qaybsan galka maxkamadda.

Kadib dhageysiga labada maalmood ee ka dhacay maxkamadda ugu sarreysa dunida ee Hague horraantii bishan, Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegtay in ICJ in ficillada Israel ee marinka Gaza ay jabiyeen Heshiiska Xasuuqa ee QM ee 1948.

Dhanka kale Jarmalka, Austria, iyo Jamhuuriyadda Czech – oo ah xulafada adag ee Israel – ayaa diiday eedeymahan, xilli Hungary ay cambaareysay kiiskan, Berlin ayaana ku dhawaaqday inay Israel ku taageeri doonto ICJ.

Todobaadkii hore, Faransiiska, oo ah waddanka ugu dadka badan ee Muslimiinta iyo Yuhuudda Yurub ku nool, kana mid ah waddamada wararka ka soo baxay bishii Oktoobar 7-dii ee mamnuucay dibadbaxyada taageeraya Falastiin, ayaa sheegay in Paris aanay taageersaneyn kiiska ICJ ee ka dhanka ah Israel.

Dalalka kale ee Midowga Yurub ayaan wax hadal ah ka soo saarin kiiska maxkamadda, markii laga reebo Slovenia, oo ku dhawaaqday taageeradeeda kiis kale oo la horgeeyay ICJ oo ka dhan ah Israel kuna saabsan xuquuqda Falastiiniyiinta.

Sidoo kale, Ireland, oo ka mid ah dalalka Midowga Yurub ee si cad u dhaliila howlgallada milatari ee Israel ka fulinayso Falastiin, ayaa qaadatay mowqif taxaddar leh. Dalka Spain, xisbiga garabka bidix ee laga tirada badan yahay ee Sumar ayaa taageeray kiiska Koonfur Afrika.

Dhanka kale, Wasiirka iskaashiga horumarinta iyo siyaasadda magaalooyinka dalka Belgium Caroline Gennez ayaa Todobaadkii hore sheegtay in dalku taageeri doono go’aanka ICJ.

“Haddii Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ay ku baaqdo in Israel joojiso ololaheeda milatari ee Gaza, dalkeennu si buuxda ayuu u taageeri doonaa,” ayay ku tiri qoraal ay ku baahisay baraha bulshada.

Shir jaraa’id oo ka dhacay Brussels Jimcihii, Ludivine Dedonder, wasiirka difaaca, ayaa ku celiyay: “Maanta, dowladda Belgium waxay si cad ugu baaqaysa xabbad-joojin degdeg ah oo ka dhacda Gaza, in dadka marinka la gaarsiiyo gargaar bini’aadantinimo isla markaana la taageero go’aanka ICJ.”

Maxaa ka dambeeya Mowqifka Belgium?

Aragtida guud ee Yurub laga qaatay tan iyo Oktoobar 7, ayaa ahayd in Israel ay xaq u leedahay inay iska difaacdo Xamaas, si waafaqsan sharciga caalamiga ah. Hase ahaatee, iyadoo uu sii xoogeysanayo iskahorimaadka u dhexeeya Israel iyo Falastiin, qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Belgium ayaa si furan u dhaleeceeyay ficillada Israel, iyadoo tirada dhimashada ee Falastiiniyiinta ay sii kordheyso.

Kadib markii Xamaas ay weerartay koonfurta Israel horraantii Oktoobar, halkaas oo ay ku dileen 1,139 qof, ciidamada Israa’iil ayaa duqeeyay Gaza, oo ah marinka ay ku badan yihiin dadka oo ay Xamaas ka taliso oo ka hor dagaalka ay ku noolaayeen 2.2 milyan oo qof.

Intii lagu guda jiray weerarrada cirka iyo weerarka dhulka, ciidanka Israel ayaa dilay in ka badan 25,000 qof, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, waxaana lagu eedeeyay xadgudubyo baahsan.

Bishii Nofeembar, dowladda Belgium, oo ah isbahaysi ka kooban toddobo xisbi siyaasadeed, ayaa sheegtay in 5 milyan oo euro ($5.4m) ay u isticmaali doonaan taageerada Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) ee Hague si loo baaro dambiyada dagaalka ee suurtagalka ah ee ka dhacay Israel iyo Gaza.

Brigitte Herremans, oo ah cilmi-baare ka tirsan Xarunta Xuquuqda Aadanaha ee Jaamacadda Gent ee Belgium, ayaa u sheegtay Al-Jazeera in dalka yar ee Yurub ku yaalla uu dhaqan ahaan qaatay mowqifyo adag oo ku saabsan sharciga caalamiga ah ee la xiriira khilaafka Bariga Dhexe.

“Daraasado ayaa sheegaya in arrintani sidoo kale la xiriirto taariikhda Belgium oo ay horey u qabsadeen awoodo shisheeye,” ayay raacisay.

Intii lagu jiray labada dagaal ee adduunka, Belgium waxaa qabsaday Jarmalka.

Herremans waxay sheegtay in mowqifka Belgium ee maanta uu la mid yahay mowqifyadii hore ee arrimaha siyaasadda dibadda, sida dagaalkii Ciraaq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lubnaan: Taliyihii Ciidanka Lubnaan Joseph Aoun oo Madaxweyne noqday

Dowladaha Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa taageero siiyay Jeneraalka si uu ugu soo baxo doorashadda Madaxweynaha.

  • Caalamka

    09-01-2025

  • 01:39PM

Maraykanka oo ku eedeeyay Ruushka inuu maalgeliyo labada dhinac ee dagaalka Sudan

Dagaalka Sudan waxa uu noqday midkii ugu dhimashada badnaa, waxayna QM ku qiyaasaysaa illaa 26,000 oo qof in la dilay.

  • Caalamka

    07-01-2025

  • 02:08PM