Netanyahu: Weerarka aan ku wadno Qasa waa bilaw oo kaliya

Image

QUDUS - Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Jimcihii sheegay in weerarka rogaal celiska ah oo ay Israa’iil ku qaadday Qasa uu yahay bilow, balse ma uusan faahfaahin waxa soo socda iyo inta uu ku soo kordhin doono weerarka.

Netanyahu waxa uu intaa ku daray,"Waxaan ku weerareynaa cadawgeena xoog aan horay loo arag, waxa aan xaqiijinayaa in tani ay tahay bilow oo kaliya."

Xamaas ayaa 7-dii Oktoobar billowday howlgalka "Daadadka Al-Aqsa", kaas oo dagaalyahannadoodu ay gudaha u galeen aagga Israa'iil isla mar ahaantaana ay ku rideen kumannaan gantaallo ah.

In ka badan 1,300 oo qof ayaa lagu dilay Israa’iil oo u badan dad rayid ah tan iyo markii uu billowday weerarka, waxaana ku jira 258 askari, sida lagu sheegay tiradii ugu dambeysay ee ciidamada, tirada dhaawaca ayaa gaartay in ka badan 3,200 oo qof, iyada oo tirada la haystayaasha la xaqiijiyay in ay gaarayaan illaa 120.

Marinka la go'doomiyay waxaa ku dhintay 1,799 falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 583 caruur ah, halka ay ku dhaawacmeen 7,388 muwaadiniin ah ayaa ku dhaawacmay duqeynta xooggan ee Israa'iil ay uga jawaabtay howlgalka, sida lagu sheegay tiradii ugu dambeysay ee ka soo baxday wasaaradda caafimaadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Khalad ku tilmaamay Xogta Agaasimaha Sirdoonka ka heshay Nukliyeerka Iran

Waa markii labaad toddobaadkan uu madaxweynuhu si cad u diido qiimeynta madaxa sirdoonka ee isagu uu magacaabay.

  • Caalamka

    20-06-2025

  • 09:27PM

Walaac ka taagan Dalalka Khaliijka oo ka baqaya weerar uga imaan kara Iran

Tusaale ahaan, Baxrayn waxay hoy u tahay Xarunta Howlgalka Ciidamada Badda ee Mareykanka ee Bartamaha, taasoo noqon karta bartilmaameed.

  • Caalamka

    19-06-2025

  • 02:55PM