Nin watay faas oo lagu xiray afaafka xarunta Capitol-ka

Image
Donald Craighead, 44 jir kasoo jeeda California, ayaa saarnaa gaari ay ka muuqdaan astaamo xagjirnimo.

WASHINGTON, USA - Booliska dhismaha baarlamaanka Mareykanka ee loo yaqaano Capitol-ka ayaa xiray nin ku watay mindi dheer iyo baangada meel u dhow xarunta Guddiga Qaranka ee Dimuqraadiga ee Washington DC.

Eedeysanaha oo wajahaya su'aallo waydiin ayaa laga helay meel laba dabaq u jirta dhismaha Capitol-ka isagoo saaran baabuur ay ku xardhan yihiin astaamo muujinaya xagjirnimo.

Markii la joojiyay, ninku wuxuu ku andacooday inuu "ku jiro roondo" wuxuuna bilaabay inuu ka hadlo fikirka sarraynta caddaanka, sidda ay sheegeen saraakiisha booliska.

Dhacdadan ayaa timid iyadoo laga cabsi qabo in qalalaase uu kasoo if-bixi karo isu-soo-bax ay abaabuleen garabka midig oo si weyn ugu ololeeya sareynta dadka cadaanka ah.

Booliska ayaa xusay in Donald Craighead, 44 jir kasoo jeeda California, laga soo jiiday gaariga markii askartu ay dareemeen astaamaha xagjirnimada ee saaran baabuurkiisa iyo in uu calanka Mareykanka u bedelay taargo.

"Saraakiisha ayaa markaa kadib ku arkay mindiyaha badan, oo ay ku jiraan seefta iyo baangada - oo labaduba sharci darro ka ah Washington DC - kuwaasoo ku jiray gudaha gaariga," ayaa la raaciyey warbixinta booliska.

Mr Craighead ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu haystay hub mamnuuc ah. Illaa iyo hadda ma cadda sida uu Mr Craighead waxa uu damacsan yahay - inuu u qirto dambiga ama inuu qareen qabsado iyo in kale.

"Tani waa shaqo boolis oo wanaagsan, cad oo fudud," ayuu yiri Taliyaha Booliska dhismaha baarlamaanka Mareykanka ee loo yaqaano Capitol-ka ninka lagu magacaabo Tom Manger.

Xariga wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo mas'uuliyiinta maxalliga ahi isu diyaarinayaan rabshado ka dhalan kara waxa loogu yeero Justice for J6 dibad-bax, oo ay qorsheeyeen 18-ka Sebtember kooxda "Look Ahead America".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma Mehrdad Akhlaghi, wasiirka cusub ee difaaca Iiraan ee u hanjabay Mareykanka?

Sida laga soo xigtay warbixinta, 237 mudane oo baarlamaanka ka tirsan ayaa taageeray magacaabistiisa, halka 15 ay ka horyimaadeen.

  • Caalamka

    18-10-2026

  • 12:54PM

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM