Nin laayey qoys Muslimiin oo dacwad culus lagu soo oogay

Image

TORONTO, Canada - Nin lagu eedeeyay inuu laayey qoys Muslim iinah oo ku nool magaalada London ee Ontario, bishaan gudaheeda, dilayna afar qof oo ay ku jirto gabar yar, ayaa hada wajahaya eedeymo argagixiso, sidda ay masuuliyiintu ku dhawaaqeen Isniintii.

Booliska London ayaa ku sheegay bayaan ay soo saareen in Nathaniel Veltman afarta dambi ee dil darajada koowaad ah "ay ka mid yihiin dambiyada argagixiso" iyo in dacwad oogayaasha federaalka iyo kuwa gobolka ay ogolaadeen in la bilaabo dacwadaha argagixisada.

Veltman ayaa lagu eedeeyay in uu si ula kac ah u jiirsiiyey shan qof oo ka mid ah qoyska Afzaal gaari xamuul ah xilli ay kasoo baxayeen xaflad tamashleyn fiidnimo 6-dii Juun.

Salman Afzaal oo 46 jir ah, xaaskiisa Madiha Salman oo 44 jir ah, gabadhooda oo 15 jir ah Yumna iyo ayeeyadeed oo 74 jir ah, Talat Afzaal, ayaa lagu dilay weerarka, halka labada lamaane oo sagaal sano jir ah dhaawac culus ayaa soo gaadhay.

Veltman wuxuu sidoo kale wajahayaa hal dambi oo isku day dil ah, oo ay masuuliyiintu sheegeen Isniintii inay sidoo kale ka dhigan tahay "falal argagixiso".

20-jirkan, oo qoraal kooban ka soo gudbiyay maxkamadda Isniintii fiidyow, weli ma uusan sameyn wax qirasho ah taasoo la macno ah in uu sii socon doono nidaamka maxkamadeynta.

Weerarka ayaa ruxay bulshooyinka muslimiinta ah ee ku nool Kanada oo dhan, kuwaas oo sanado badan ku baaqayay in wax laga qabto Islaam naceybka iyo nin jeclaysiga, gaar ahaan ka dib toogasho baaxad leh oo dad badani ku dhinteen oo ka dhacday masaajid 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha dalalka Muslim-ka oo ku Shiraya Doha si ay uga Jawaabaan Duqeyntii Israa’iil ee Qatar

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Khamiistii si mid ah u cambaareeyay weerarka Israa’iil ku qaaday Qatar.

  • Caalamka

    14-09-2025

  • 10:37AM

Haweeneydii Ugu Horreysay oo Ra’iisul Wasaare ka Noqotay Nepal Kaddib Kacdoonkii Ka Dhanka Ahaa Musuqmaasuqa

Maalintii Talaadada, dad careysan ayaa dab qabadsiiyay dhismayaal dowladeed iyo xarunta baarlamaanka.

  • Caalamka

    13-09-2025

  • 05:34AM