Nin loo maxkamadeynayo in uu "xasaas badan mar wada guursaday"

Image

WASHINGTON, US – Kadib muddo sanado ah oo ay booliska ku raad-joogeen, shaqsigan ayaa uu dambeyntii waxaa gacanta lagu dhigay 17-kii August.

Dacwad-oogeyaasha ayaa Johnnie Goodman Jr, oo 37-sano jir ah, waxay kusoo oogeen dacwad la xiriirta in uu mar wada guursaday laba xaas.

Bishii November 2008-dii ayaa la sheegay in uu la aqal-galay xaaskiisa koowaad. Isaga oo aanan taasi furin waxa uu Maaj 2012-kii guursaday haweenay kale.

Wararka ayaa waxay intaasi ku daraya in Goodman uu bishii Maaj 2015-kii uu marwo saddexaad kale yeeshay, isaga oo aanan furin xaasaskiisii hore.

Ruuxan ku nool Kentucky ayaa maxkamad lasoo muuqday dhowr jeer, iyadda ay ugu dambeysay Talaadadii oo damaanad kun dollar ah lagu sii daayey.

Gobolka uu degan yahay oo guursashada xasaaska badan uu ka yahay dambiga nooca "D" ayaa waxaa qofka loogu ciqaabaa hal illaa iyo shan sano oo xabsi ah.

Dhanka kale, eedeymo kale oo la xiriirta in bishii August 2015-kii uu khal-khalgeliyay xiriirka dadweynaha iyo jebinta sharciga ayaa lagu soo eedeeyay.

Haweenay ayaa waxay ahayd qofkii ugu horeeyay ee taariikhda gobolka lagu soo eedeeyo in ay guursatay rag badan, wallow aanan la hayn tiradda guud.

Ugu dambeyntii, kiiska Goodman ayaa waxaa loo muddeeyay in go’aan kama dambeys ah laga gaari doono 27-ka bisha September ee sanadkan 2019.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pete Hegseth oo Sheegay in Maraykanka uu Sii Wadi Doono Go’doominta Dekedaha Iran 

Iskahorimaadkan ayaa markii hore billowday 28-kii Febraayo, ka dib weeraro ay Maraykanka iyo Israa’iil ku qaadeen gudaha Iran.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 03:40PM

FIFA oo xaqiijisay in xulka Iran uu ka qaybgalayo Koobka Adduunka 2026

Iiraan ayaa ku jirta Guruubka G, waxayna kulammadeeda la ciyaari doontaa xulalka Belgium, Masar, iyo New Zealand.

  • Caalamka

    16-04-2026

  • 10:37AM