Nin weeraray Masjid ku yaala Norway oo xabsi la dhigay

Image

OSLO, Norway – Ugu yaraan hal qof ayaa Sabtida maanta ah ku dhaawacmay markii shaqsi hubeysan uu weeraray Masjidka Al-Nuur ee ku yaala magaaladda Baerum oo 22 KM u jirta Oslo, caasimadda Norway.

Booliska oo war kasoo saarey dhacdadan taasoo lasoo wariyay intii u dhaxeysay Salaada Maqrib iyo Salaadii Casir ayaa shaaca ka qaadey in ruuxa ka dambeeyay uu ahaa "nin dhalinyaro oo cadaan ah".

Mas’uuliyiinta Masaajidka ayey warbahinta ka soo xigtay in shaqsiga la tuhunsan yahay uu watay darees isku midab ah iyo koofiyad, isla markaana uu beegsaday goobta lagu tukado.

"Bukaanka xaaladiisa ma kala cadda. Sidoo kale ma jiraan tilmaamo muujinaya hadafka weerarka," ayuu raaciyey bileyska oo ka gaabsaday inuu bixiyo tafaasiil dheeraad ah oo ku aadan falkan.

Weerarkan ayaa wuxuu kusoo beegmaya iyadda oo maalinta berri oo Axad ah lagu wado in loo dabaaldego maalinta koowaad ee Ciidda Carafo.

Irfan Mushtaaq, oo kamid ah guddiga maamula Masjidka ayaa u sheegay war-fidiyeenka maxaliga ah in qof kamid ah dadka cibaadeysanayey uu isku duubay dableyga, isla markaana uu qabtay.

"Dhibanaha oo 75-jir ah sidoo kale wuxuu ka tirsanaa guddiga," ayuu Mushtaaq hadalkiisa raaciyey, isaga oo soo kabasho degdeg ah u rajeeyay dhibanaha, oo xaaladiisa aysan wali kala caddeyn.

Ficilka gardaradda ah ee lagu ekeeyay guriga ALLE ayaa imaanaya iyaddoo Masaajida ku yaala reer Galbeedka amnigooda aad loo adkeeyay kadib xasuuqii horaantii sanadkan ee labada Masjid ee New Zealand, halkaaso lagu laayey 50.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM