Norway: Ninkii Qur’aanka gubay oo lagu daray Liiska tarxiilka

Image
Waxaa baraha bulshada wareegayay warar been abuur ah oo ku saabsan dhimashadiisa.

Oslo (GO) - Norway ayaa xabsiag dhigtay qaxootigii Ciraaqiga ahaa ee ku sugnaa Sweden, Silwan Momika, kaasoo dhaliyay mowjad caro ah sannadkii hore ka dib markii uu qur’aanka gubay, waxayna go’aansatay inay sida ugu dhakhsaha badan u masaafuriso Swede.

Booliska Norway ayaa qabtay Momika 28-kii bishii March, isaga oo dhamaadkii bishii hore magangalyo weydiistay Norway kadib markii laga xayoobiyay sharcigii uu ku joogay Sweden.

Norway waxa ay damacsan tahay in ay “sida ugu dhaqsaha badan” ugu masaafuriso Sweden iyadoo la raacayo heshiiska qaxootiga ee Dublin, sida lagu sheegay go’aanka maxkamadda Oslo oo ay aragtay wakaaladda France-Presse.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM