Obama: Daacish waa burcad, ma meteli karto Islaamka

Image

December 7, 2015 (GO)- Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay in  Kooxda Daacish ay tahay koox shufto ah oon meteli karin Islaamka.

Obama oo aqalka cad ka jeediyey khudbad si toos ah telefishinada looga baahiyey, wuxuu sidoo kale xusay in dagaalka ka dhanka ah argagixisadu ahayn dagaal u dhexeeya Maraykanka iyo Islaamka.

"Looma baahna inaan isku jeedsano oon dagaalka ka dhigno mid u dhexeeya Maraykanka iyo Islaamka...taasi waa sida uu doonayo Ururka Daacish, ururkaasi ma ahan mid Islaamka metala waa koox burcad ah oo dadka disha" ayuu yiri Obama.

Dadka Maraykanka wuxuu ugu baaqay  in aysan muslimiinta ku faquuqin falalka ay kooxdaasi geysato.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in Maraykanku dagaal dhulka ah la geli doonin Daacish, haseyeeshee uu adeegsan doono istaraatiijiyado kale.

"kama qayb qaadan doonno dagaal  dhulka ah oo muddo dheer kasii  socda Ciraaq ama Syria...duqeymaha cirka iyo tababarrada aan siino kooxaha dagaalka kula jira Daacish ayaa ah habab aan ku gaari karno guul"

Hadalka Madaxweynaha Maraykanka ayaa kusoo aadaya shan maalmood  kadib, weerar 14 qof ku dhinteen oo ka dhacay magaalada San Bernardino ee gobolka California.

Weerarka oo lala beegsaday goob xafladi ka socotey, waxaa geystey Tashfeen Malik iyo Syed Rizwan oo ahaa lamaane muslim ah, kuwaasoo boolisku markii dambe toogasho ku dileen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM