Obama oo difaacay Ilhan Omar xilli Trump doonayo in laga tarxiilo Mareykanka

Image

WASHINGTON — Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa Axaddii cambaareeyay baaritaan ay wakiillo federaal ah ka sameeyeen guriga xildhibaan Ilhaan Cumar ee magaalada Washington, isaga oo baaritaanka ay Wasaaradda Caddaaladdu ku waddo xildhibaanka ku tilmaamay mid laga xumaado.

Obama ayaa sheegay in baaritaanku u muuqdo isku day ay maamulka Madaxweyne Donald Trump ku doonayaan inay ku cabsi-geliyaan, isla markaana dalka uga masaafuriyaan Ilhaan Cumar oo ka mid ah dadka sida weyn u dhaliila madaxweynaha Mareykanka.

“Dhammaan awoodda dowladda federaalka ayaa lagu adeegsanayaa mas’uul la doortay oo sharciga dhowra, sababtoo ah waxay ku dhiiratay inay madaxweynaha dhaliisho,” ayuu Obama ku qoray qoraal dheer oo uu ku baahiyay barta X.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in baaritaanka guriga xildhibaanka, oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga lagana soo doorto gobolka Minnesota, loogu talagalay in lagu helo caddeyn muujinaysa fal-dembiyeed, balse uu ku dooday inaysan jirin wax caddeyn ah oo taageeraya tuhunka laga qabo.

Obama ayaa sheegay in maamulka Trump uu isku dayayo inuu dalka ka masaafuriyo Ilhaan Cumar, isaga oo saldhig uga dhigaya aragti aan la xaqiijin oo sheegaysa in xildhibaanku ay jirtay 18 sano markii aabbaheed qaatay dhalashada Mareykanka, taas oo su’aal gelinaysa xaaladdeeda dhalasho.

“Wakiillada federaalka ayaa gurigeeda galay, la wareegay dukumentiyo gaar ah, waxayna qaateen taleefankeeda, dhammaan si ay u helaan caddeyn aan jirin oo la xiriirta arrin dhacday 20 sano ka hor,” ayuu Obama yiri.

Baaritaanka ayaa la xiriira tuhun ku saabsan khiyaano socdaal, kaas oo lagu baarayo in aabbaheed Ilhaan Cumar uu been ka sheegay da’deeda xilligii ay qaadanaysay dhalashada Mareykanka sannadkii 2000.

Ilhaan Cumar, oo Soomaaliya ku dhalatay, ayaa sheegtay inay si sharci ah ku qaadatay dhalashada Mareykanka sannadkii 2000, kaddib markii ay Soomaaliya ka soo qaxday sannadkii 1995. Waxay beenisay eedeymaha, waxayna su’aal gelisay sharcinimada baaritaanka gurigeeda, iyadoo dalbatay in loo soo celiyo hantidii laga qaatay.

Obama ayaa sidoo kale ka digay in tallaabooyinka noocan ah ay halis ku yihiin nidaamka dimuqraadiyadda Mareykanka, isaga oo sheegay in haddii loo oggolaado inay caadi noqdaan, aysan ku ekaan doonin Ilhaan Cumar.

Wuxuu yiri isku day kasta oo madaxweyne ama maamul uu ku cabsi-gelinayo qof dhaliilaya waa inuu ka caro geliyo dhammaan dadka Mareykanka, iyadoon loo eegin aragtidooda siyaasadeed ee xildhibaanka.

Madaxweyne Trump ayaa horraantii sannadkan qoraal uu ku baahiyay bartiisa Truth Social ku sheegay inuu jeclaan lahaa in Ilhaan Cumar dib loogu celiyo Soomaaliya. Hase yeeshee, dowladda Mareykanka weli ma shaacin tallaabo rasmi ah oo lagu doonayo in lagala noqdo dhalashadeeda.

Ilhaan Cumar laguma soo oogin wax dembi ah, Wasaaradda Caddaaladduna ma aysan shaacin caddeymo muujinaya inay ku lug leedahay fal-dembiyeed.

Trump ayaa toddobaadkii hore wariyeyaasha u sheegay in baaritaanka guriga xildhibaanka uusan isaga wax shaqo ah ku lahayn, inkastoo uu ku tilmaamay Ilhaan Cumar qof xun, isaga oo sheegay in arrintu ay u taallo Wasaaradda Caddaaladda.

Hoggaanka Dimuqraaddiyiinta ee Aqalka Wakiillada ayaa iyaguna cambaareeyay baaritaanka, iyagoo ku tilmaamay mid walaac weyn leh, isla markaana su’aalo ka keenay adeegsiga hay’adaha dowladda ee ka dhanka ah dadka siyaasadda ku mucaaradsan Trump.

Ilhaan Cumar, oo u tartamaysa in dib loogu doorto Aqalka Wakiillada, ayaa baaritaanka ku tilmaantay tallaabadii ugu dambeysay ee sii xoojinaysa ololaha cabsi-gelinta siyaasadeed ee Trump.

“Ma aamusi doono,” ayay ku tiri qoraal ay toddobaadkii hore ku baahisay barta X.

Baaritaanka ayaa sidoo kale dhaliyay walaac la xiriira waqtiga la fuliyay, maadaama uu dhacay wax ka yar bil ka hor dhammaadka codbixinta doorashooyinka xilliga dhexe ee Mareykanka. Wasaaradda Caddaaladda ayaa caadi ahaan ka fogaata tallaabooyinka baaritaan ee muuqda ee saameyn ku yeelan kara doorashooyinka inta lagu jiro 60-ka maalmood ee ka horreeya maalinta doorashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Sacuudiga u ballanqaadday taageero ka dhan ah weerarrada Xuutiyiinta

Masar ayaa horay ula safatay Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan, kuwaas oo si wadajir ah u cambaareeyey weerarrada Xuutiyiinta.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 11:18AM

Waa kuma Mehrdad Akhlaghi, wasiirka cusub ee difaaca Iiraan ee u hanjabay Mareykanka?

Sida laga soo xigtay warbixinta, 237 mudane oo baarlamaanka ka tirsan ayaa taageeray magacaabistiisa, halka 15 ay ka horyimaadeen.

  • Caalamka

    18-10-2026

  • 12:54PM