Pakistan: Injineero Shiinees oo lagu laayey weerar jidgal ah

Image
Image

ISLAMABAD, Pakistan - Ugu yaraan siddeed qof, oo ay ku jiraan lix u dhashay Shiinaha iyo hal askari oo Pakistan ah, ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen qarax lala beegsaday bas ku sugnaa gobolka fog ee woqooyiga dalka Pakistan.

Illo-wareedyo kala duwan oo ay ku jiraan saraakiil dhanka ammanka ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in khasaaraha guud uu intaas ka badan karo "maadaama ay jiraan dhaawacyo culus".

Si rasmi ah looma caddeyn kaso waxa qaraxa uu ka dhashay balse waxaa wararku tibaaxayaan in uu sababay qalab wadada dhinaceeda yaalay ama walax qaraxda baska dhexdiisa lagu aasay.

"Baska wuxuu ku dhacay doox aad u dheer qaraxa ka dib waxaana ka dhashay qasaaro badan. Hal injineer Shiinees ah iyo hal askari ayaa maqan. Hawlgalkii samatabbixinta ayaa la bilaabay, dhammaan mashiinnada dawladda ayaa la abaabulay si loogu soo badbaadiyo dadka ku dhaawacmay ambalaaska diyaaradaha ayaa sidoo kale loo diray goobta," ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan dawladda kaasoo ay soo xigatay Reuters isla markaana codsaday in aan magaciisa la sheegin Arbacada maanta ah.

Sarkaalka ayaa intaas wuxuu ku daray in dadka dhintay ay ku jiraan lix muwaadin oo u dhashay Shiinaha, askari katirsan ciidanka milatariga iyo hal qof oo degaanka ah. "Dhowr qof ayaa ku dhaawacmay," ayuu ku daray.

Mas'uul u hadlay maamulka Hazara ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in baska ay la socdeen in ka badan 30 Injineero Shiinees ah oo la geeyay goobta biyo xireenka Dasu ee Kohistan.

Mashruuca Dasu-Hydroelectric oo qeyb ka ah heshiis ay kala saxiixdeen Shiinaha iyo Pakistan kuna baxeyso $65 bilyan ayaa qeyb ka ah qorshe maalgashi kaasoo hoostaga hindisaha Beijing Belt and Road Initiative ee China loogana golleeyahay isku xirka galbeedka Shiinaha iyo dekedda Gwadar ee koonfurta Pakistan.

Injineero Shiineys ah oo ay wehliyaan shaqaale Pakistaniyiin ah kuwaasoo ka shaqeeya dhismaha ayaa fulinayay mashruuca Dasu hydroelectric iyo dhowr kale mudo dhowr sano ah gobolka uu ka dhacay qaraxan khasaarah badan keenay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM