Pakistan oo ka taagan xaalad Africa caan ku tahay

Image

Ra'iisul wasaarihii hore ee Pakistan Nawaz Sharif ayaa Jimcihii sheegay in uu ku guuleystay doorashooyinkii qaranka, isagoo sheegay in xisbigiisa siyaasadeed uu ku soo baxay kan ugu weyn ee codbixinta, uuna ka hadli doono dhismaha dowlad wadaag ah.

Kadib, Ra'iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan oo xabsiga la dhigay ayaa sidoo kale ku andacooday in uu ku guuleystay doorashada guud ee dalka fariin maqal iyo muuqaal ah oo uu sameeyay isaga oo isticmaalaya sirdoon macmal ah oo la wadaagay bartiisa bulshada ee X.

Farriinta, oo inta badan lagu gudbiyo barta xisbiga, Imran Khan wuxuu diiday sheegashadii hore ee guusha Nawaz Sharif ee la tartamayey. Khan ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay in ay u dabaaldagaan guul la gaaray inkastoo uu ugu yeeray olole ka dhan ah xisbigiisa.

Musharixiin madax-bannaan oo uu taageeray Khan ayaa ku guuleystay kuraasta ugu badan ee doorashadii qaran ee Khamiistii, inkastoo uu xabsiga ku jiray, xisbigiisana laga mamnuucay doorashada.

Shariifka ma uusan shaacinin inta kursi ee xisbigiisa uu ku guuleystay, waxaana weli socota tirinta codadkii ugu dambeeyay ee 265-tii kursi ee la soo doortay.

Tirakoobkii ugu dambeeyay ee ay daabaceen guddiga doorashada ayaa muujiyay in xisbigiisa Pakistan Muslim League-Nawaz (PML-N) uu ku guuleystay 61 kursi, taas oo aad uga hooseysa 133 dhibcood ee loo baahan yahay si uu u soo dhiso dowlad.

Shariif ayaa sheegay in xisbigiisa oo kaliya uusan haysan kuraastii loo baahnaa balse ku xigeenadiisa ay maalinta dambe la kulmi doonaan hogaamiyayaasha xisbiyada kale oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee Pakistan Asif Ali Zardari oo ka tirsan xisbiga Pakistan Peoples Party, si ay ugala hadlaan dhismaha dowlad wadaag ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lubnaan: Taliyihii Ciidanka Lubnaan Joseph Aoun oo Madaxweyne noqday

Dowladaha Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa taageero siiyay Jeneraalka si uu ugu soo baxo doorashadda Madaxweynaha.

  • Caalamka

    09-01-2025

  • 01:39PM

Maraykanka oo ku eedeeyay Ruushka inuu maalgeliyo labada dhinac ee dagaalka Sudan

Dagaalka Sudan waxa uu noqday midkii ugu dhimashada badnaa, waxayna QM ku qiyaasaysaa illaa 26,000 oo qof in la dilay.

  • Caalamka

    07-01-2025

  • 02:08PM