Pakistan oo shan askari looga dilay qarax iyo weerar jidgal ah

Image
Askarta oo iska-caabin badan sameysay ayaa da’doodu waxa ay u dhaxaysay 23 ilaa 25 jir.

ISLAMABAD, Pakistan - Ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada Pakistan ayaa ku dhintay kadib markii gaari ay wateen lagu dhuftay bam ka dib iska horimaad ay la galeen maleeshiyaad ku sugnaa koonfurta-galbeed ee gobolka Balochistan.

Dhacdadan ayaa Sabtidii ka dhacday degmada Kech ee gobolka qalalaasuhu ka jiraan, halkaas oo milatarigu ay tobanaan sano kula dagaallamayeen fallaago hoose.

“Argagixisadu waxay qarxisay gaari ay wateen ciidamadda ammaanka, waxaana xigtay rasaas xooggan oo la is weydaarsaday,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay milateriga.

Wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: "Intii uu howlgalka socday, shan askari oo geesiyaal ah, si aad ah ayay u dagaalameen, naftoodana u hureen, waxayna qaateen Shahadat (shahada)".

Askarta ayaa da’doodu waxa ay u dhaxaysay 23 ilaa 25 jir. Illaa haatan, ma jirto koox si ramsi ah u sheegatay mas'uuliyadda falkan lala xiriirinayo kooxo gacansaar la leh Al-Qaacida.

Balochistan oo ah gobol xuduud la leh Afgaanistaan ​​iyo Iran ayaa in ka badan labaatan sano waxaa ka socday kacdoono ay wadaan kooxaha gooni u goosadka ah.

Markii hore waxay doonayeen inay qayb ka qaataan kheyraadka gobolka, balse markii dambe waxay bilaabeen kacdoon ay ku doonayeen inay xornimo u helaan taas oo sababtay in ay la dagaalanto dowlada Pakistan oo u aqoonsantay ururo argagixiso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Waan ognahay halka uu Khamenei ku sugan yahay, Ma rabno inaan dilno hadda!

Dhinaca kale, Iran ayaa sheegtay in 224 qof lagu dilay, in ka badan 1,000 kalena lagu dhaawacay duqeymaha Israel.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 09:25AM

Netanyahu oo qorsheynaya Dilka Ayatollah Ali Khamenei

Netanyahu wuxuu sheegay in Iran ay rabto “colaad joogto ah” taasoo, sida uu sheegay, keentay in la gaaro xuduudka dagaal nukliyeer ah.

  • Caalamka

    17-06-2025

  • 02:57PM