Putin & Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo ku kulmi doona Pyongyang

Image
Waqtiga gaarka ah ee booqashada dib ayaa laga heshiin doonnaa.

Moscow (GO) - Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka, ayaa sheegtay in Moscow iyo Pyongyang ay xadidi doonaan waqtiga uu Madaxweyne Vladimir Putin ku booqan doono dalka Kuuriyada Waqooyi.

"Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, intii lagu jiray shirkii lagu qabtay saldhigg Vostochny Sebtembar 2023, wuxuu ku martiqaaday madaxweynaha Ruushka inuu booqdo Pyongyang." Ayuu yiri Diblomaasi ku hadlay afka dowladda.

Baaqan booqashada ah ayaa waxaa dib u xaqiijisay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kuuriyada Waqooyi Choe Song Hui oo booqatay Ruushka.

Diblumaasiga Ruushka ah ayaa xaqiijiyay in waqtiga gaarka ah oo booqashada lagu heshiin doono iyada oo loo marayo dariiqyo diblomaasiyadeed.

Mar sii horreysay, afhayeenka madaxtooyada Ruushka Dmitry Peskov ayaa sheegay in booqashada madaxweyne Putin ee Kuuriyada Waqooyi aysan dhici doonin ka hor dhammaadka bisha March.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Diyaar u Ah in ay Xaddido Barnaamijka Nukliyeerka Haddii Cunaqabataynta La Qaado

Baghaei ayaa sheegay in wadahadallada hay’adda ilaalinta nukliyeerka ay dhowaan sii socon doonaan.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 11:08AM

Trump oo damaanad-qaaday amniga Ukraine Haddii Heshiis Nabadeed Laga Gasho Ruushka

Marka la eego arrimaha amniga, caawimo badan baa jiri doonta," ayuu Trump u sheegay warfidiyeenka.

  • Caalamka

    19-08-2025

  • 08:33AM