Putin iyo Kim Jong Un oo “hadiyado” is dhaafsaday

Image

MOSCOW, Ruushka - Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa isweydaarsaday hadiyado ka dib kulankii ay ku yeesheen bariga fog ee Ruushka, sida ay ku dhawaaqday madaxtooyada Kremlin..

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in Putin uu siiyay Kim qori ka mid ah wax soo saarka Ruusha-ka, kaas oo ah midka ugu tayada wanaagsan, taa beddelkeedana waxa uu helay qori lagu sameeyay Kuuriyada Waqooyi.

Sida laga soo xigtay Peskov, Putin ayaa si farxad leh u aqbalay casuumadda Kim ee ah inuu booqdo Kuuriyada Waqooyi, isagoo xusay in booqashada Kim ee Ruushka ay sii socon doonto maalmo kale.

Labada madaxweyne ayaa Arbacadii ku kulmay “Vostochny Cosmodrome”, oo ah xarunta ugu muhiimsan ee laga diro dayax-gacmeedka gudaha ee Ruushka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM