Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Image
Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

Moscowْ (GO) - Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay in Moscow aysan wax qorshe ah ka lahayn inay weerarto waddan xubin ka ah Ururka NATO.

Waxa uu intaa ku daray in dalkiisu aan weerari doonin Poland, ama Jamhuuriyadda Czech sida la hadal haayo, balse isla mar ahaantaana waxa uu ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, in ay soo ridi doonaan.

Putin ayaa sidoo kale ku sheegay khudbad uu u jeediyay duuliyayaasha ciidamada Cirka ee Ruushka, in NATO ay isku ballaarisay dhanka bari ee Ruushka tan iyo burburkii Midowgii Soofiyeeti 1991-kii, laakiin Moscow ayaan wax qorshe ah u haynin inay weerarto dalalka xubnaha ka ah NATO.

Waxaa xusid mudan in tan iyo markii uu billowday howlgallada militariga Ruushka ee Ukraine bishii Febraayo 2022, Ruushka uu mamnuucay adeegsiga ereyga “dagaal,” ka hor inta uusan qiran markii ugu horreysay, Jimcihii, in waddanku uu ku jiro xaalad dagaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM