Putin oo noqday hogaamiyihii ugu xukunka dheeraa ee Russia soo mara

Image
Vladimir Putin ayaa helay 87.33% ee codadka la tiriyay.

Moscow (GO) - Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa guul weyn ka gaaray doorashadii madaxtinimada, isagoo sii xoojiyey awooddiisa, wuxuuna guushaas sheegay inay muujinayso in Moscow ay ku saxan tahay inay is-hortaagto reer galbeedka oo ay ciidamo u dirto Ukraine.

Natiijadu waxay ka dhigan tahay in Putin (71 jir) uu lix sano oo kale sii hogaamin doona Ruushka, taasoo ka dhigaysa hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa ee Russia in ka badan 200 oo sano, isaga oo dhaafay muddada hogaamiyihii hore Joseph Stalin oo gacan bir ah ku xukumayay Midowgii Soofiyeeti ilaa uu geeriyooday 1953kii.

Natiijadii ugu dambeysay ayaa muujisay in Vladimir Putin oo helay 87.33%, Nikolai Kharitonov ayaa helay 4.31%, halka Vladislav Davankov uu helay 3.79%, Leonid Slutskyna uu helay 3.19%, ka dib markii la tiriyay 99.5% codadka.

Maraykanka, Jarmalka, Ingiriiska iyo dalal kale ayaa sheegay in doorashadu aanay ahayn mid xor ah, taas oo ay ugu wacan tahay xarigga siyaasiyiinta ka soo horjeeda taliska Putin.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM