Qadar iyo Sacuudiga oo jeediyay baaq ka dhan ah Yahuuda

Image
Dooxa iyo Riyadh ayaa waxa ay degdeg u dalbadeen joojinta barakicinta qasabka ah ee Falastiiniyiinta.

DOOXA, Qadar - War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen Golaha Isku xirka Qatar iyo Sacuudiga, Amiirka Qatar iyo Dhaxal sugaha Sacuudiga ayaa walaac looga muujiyay masiibada bini’aadantinimo ee ka jirta Marinka Gaza.

Amiir Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo dhaxal sugaha Boqortooyada Mohammed bin Salman ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay baahida loo qabo "in la joojiyo howlgallada militari ee ka socda dhulka Falastiin, iyo baahida loo qabo in la ilaaliyo rayidka si waafaqsan sharciga caalamiga ah", ayaa lagu yiri bayaanka.

"Labada dhinac waxay sidoo kale carabka ku adkeeyeen muhiimada cadaadiska caalamiga ah ee Israel si loo joojiyo barakicinta qasabka ah ee Falastiiniyiinta," ayay raacisay.

Labada hoggaamiye ayaa waxay sidoo kale ku booriyeen beesha caalamka inay "xoojiyaan dadaalka wadajirka ah" si loo xalliyo arrinta Falastiin si waafaqsan mabda'a xalinta labada waddan iyo Hindisaha Nabadda Carabta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM