Qadar iyo Sacuudiga oo jeediyay baaq ka dhan ah Yahuuda

Image
Dooxa iyo Riyadh ayaa waxa ay degdeg u dalbadeen joojinta barakicinta qasabka ah ee Falastiiniyiinta.

DOOXA, Qadar - War qoraal ah oo ay si wadajir ah u soo saareen Golaha Isku xirka Qatar iyo Sacuudiga, Amiirka Qatar iyo Dhaxal sugaha Sacuudiga ayaa walaac looga muujiyay masiibada bini’aadantinimo ee ka jirta Marinka Gaza.

Amiir Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo dhaxal sugaha Boqortooyada Mohammed bin Salman ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay baahida loo qabo "in la joojiyo howlgallada militari ee ka socda dhulka Falastiin, iyo baahida loo qabo in la ilaaliyo rayidka si waafaqsan sharciga caalamiga ah", ayaa lagu yiri bayaanka.

"Labada dhinac waxay sidoo kale carabka ku adkeeyeen muhiimada cadaadiska caalamiga ah ee Israel si loo joojiyo barakicinta qasabka ah ee Falastiiniyiinta," ayay raacisay.

Labada hoggaamiye ayaa waxay sidoo kale ku booriyeen beesha caalamka inay "xoojiyaan dadaalka wadajirka ah" si loo xalliyo arrinta Falastiin si waafaqsan mabda'a xalinta labada waddan iyo Hindisaha Nabadda Carabta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM