Qadar oo sii deysay Kenyan ay kusoo oogtay dacwad culus
DOOXA, Qatar - Muwaadin Kenyan ah, oo lagu xiray Qadar bishii hore ee May laguna eedeeyay "faafinta warar been abuur ah", ayaa Khamiista ah maanta la sii daayay balse lama joojin dacwadaha culus ee loo haysto, sida ay sheegeen hay'adaha xuquuqda.
Malcolm Bidali, oo ah 28-jir, waa waardiye ka shaqeeya shirkada arrimaha ammaanka qaabilsan ee fadhigeedu yahay magaalada caasimada ah ee Doha. Waxaa laga qabtay hoygiisii 5-tii Maajo waxaana laga "baarey inuu jabiyay sharciyada iyo qawaaniinta u dagsan Qatar," ayaa lagu yiri qoraal bishii hore kasoo baxay Xafiiska Xiriirka Warbaahinta Dowlada Qatar.
30-kii Maajo, GCO waxay sheegtay in Bidali "si rasmi ah loogu soo oogay dambiyo la xiriira lacag bixin uu ka helay wakiil ajnabi ah oo ku saabsan abuurista iyo qaybinta wararka been-abuurka ah ee Qadar dhexdeeda".
Salem al-Mohannadi, oo ah milkiilaha reer Qatar ee GSS Certis, ayaa u xaqiijiyay telefishinka ay maalgeliso dowladda Qadar ee Al Jazeera in 28-jirkan uu xorriyadiisa dhaqdhaqaaq uu dib u helay.
"Waa la siidaayay laakiin ma hayo faahfaahin dheeraad ah," ayuu al-Mohannadi u sheegay Al Jazeera Khamiistii. "Kani waa kiis dawladeed hadda. Waxaan si buuxda uga dambeeynaa dalkeena waana adag tahay in la fahmo cidDa ka shaqeyneysa Qatar".
Kooxaha xuquuqul insaanku ayaa waxay walaac ka muujiyeen in qabashadiisa ay tahay aargudasho ama xadgudub loogu sameeyo xuquuqda aadanaha ama tan guud ahaan ee shaqaalaha ajaaniibta ah.
Qadar ayaa sida ay ula dhaqanto shaqaalaha muhaajiriinta ah iyo rikoorkeeda xuquuqul insaanka wuxuu yahay mid isha lagu hayo tan iyo markii la siiyay martigalinta koobka kubada cagta ee FIFA 2022 FIFA World Cup.
Si kastaba ha noqotee, waddanku wuxuu sameeyay dib-u-habeyn dhowr ah oo ku saabsan shaqada ka hor munaasabadda weyn ee dhici doonta Nofeembar iyo Diseembar sanadka soo socda.
Bishii Ogosto 2020, Qatar waxay shaacisay isbeddelo ku saabsan sharciga shaqaalaha, oo ay ka mid tahay in la tirtiro baahida loo qabo shahaadada diidmada. Horaantii sanadkan, sharci cusub oo mushaharka ugu yar ayaa sidoo kale la soo saaray.
GAROWE ONLINE