Qadar oo sii deysay rag loo xukumay in ay u basaasayeen Israa’iil

Image
Sideedan ruux oo ka tirsan Ciidamadda Badda Hindiya ayaa waxaa horey loogu xukumau dil toogasho.

DOOXA, Qadar - Maxkamad ku taalla dalka Qatar ayaa sii deysay 8 sarkaal oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada badda Hindiya oo horay loogu xukumay dil toogasho ah, kaddib markii lagu eedeeyay dambiyo aan la sheegin.

Todobo ka mid ah raggan ayaa horay ugu laabtay Hindiya, wasaaradda arrimaha dibadda Delhi ayaa Isniintii sheegtay.

Bishii Janaayo, mas'uuliyiintu waxay sheegeen in xukunkooda dilka loo beddelay xukunno "kala duwan" oo dheer.

Qatar iyo India midkoodna ma shaacin eedaha loo haysto raggan oo u shaqaynayay Dahra Global oo ah shirkad gaar loo leeyahay oo Qatar ku taal.

Balse Financial Times iyo Reuters ayaa sheegay in raggan lagu soo oogay dacwad ah inay u basaasayeen Israa’iil.

Sikastaba ha ahaatee, xiritaanka raggan ayaa si weyn waxa ay u qabsatay bogaga hore warbaahinta iyo joornaaladda Hindiya sannadkii 2022-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM