Qaramada Midoobay oo baaritaan ka furtay xasuuqii loo gaystay dadka gargaar doonka ahaa

Image
Tirada dhimashada ayaa gaartay 115, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 760 qof.

Qasa (GO) - Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday  inay booqdeen cisbitaalka Al-Shifa ee waqooyiga Qasa, kaas oo la geeyay boqolaal dhaawac ah, ka dib musiibadii ay ku dhinteen in ka badan 110 qof intii lagu guda jiray qaybinta gargaarka.

Shaqaalaha Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bani'aadamnimada (OCHA), Ururka Caafimaadka Adduunka iyo UNICEF, ayaa ku dhawaad laba saacadood ku qaatay cisbitaalka magaalada Qasa, iyaga oo qeybiyay daawooyin iyo shidaal, sida uu sheegay afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Stephane Dujarric.

Dujarric ayaa intaas ku daray, ”Cisbitaalka Al-Shifa waxa la soo gaarsiiyey in ka badan 700 oo dhaawac ah, wakhtiga ay booqashadan ku jireen shaqaalaha cisbitaalku waxa ay nagu wargeliyeen in la keenay 70 oo mayd ah kuwaas oo ku dhintay masiibadii ku timid dadka gargaar doonka ahaa."

Dhimashada musiibadan ayaa gaartay 115 qof, halka ay ku dhaawacmeen ilaa 760 qof sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Xamaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: Iran qiimo culus ayay ku bixin doontaa dilka askarta Mareykanka

Ciidamada Mareykanka ayaa sidoo kale shaaciyay magacyada laba askari oo lagu dilay dalka Urdun Jimcihii.

  • Caalamka

    21-07-2026

  • 06:56AM

Xuutiyiinta Yemen oo Sacuudiga ku soo rogay xayiraad dhinaca badda ah 

Xuutiyiinta ma aysan bixin faahfaahin ku saabsan sida ay u fulin doonaan xayiraadda badda ama nooca maraakiibta ay beegsan doonaan.

  • Caalamka

    20-07-2026

  • 02:51PM