Qarax khasaaro baaxad leh geystay oo ka dhacay Afghanistan

Image

KABUL, Afghanistan – Ugu yaraan sideed askari ayaa ku dhimatay, in ka badan 70 shacab way ku dhaawacmeen kadib qarax gaari oo ka dhacay gobolka Ghazni ee dalka Afghanistan, sidda ay sheegeen mas'uuliyiinta.

Hasan Raza Yousafi, xubin ka tirsan golaha degaanka gobolkaasi, ayaa laga soo xigtay in weerar oo is-miidaamin ahaa Axada maanta ah lagu beegsaday dhismaha hay’adda sirdoonka ee caasimadda gobolka.

Mudanaha ayaa tibaaxay in dhamaan xubnaha la dilay ay ka tirsanaayeen hay’addaha sirdoonka, wallow uu qiray in bukaanada haatan xaaladooda lala tacaalayo ay rayid u badan yihiin.

Zabihullah Mujahed, afhayeenka falaagada Talibaan, oo sheegatay mas’uuliyadda dhacadaasi ayaa yiri: "Tobanaan ka tirsan hay’adda sirdoonka ayaa ku naf-waayey kuna dhaawacmey howlgalkaasi."

Weerarkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xili shir laba maalmood ah oo u dhaxeeya dowladda Afghanistan iyo kooxda Talibaan uu ka furmay magaaladda Dooxa ee waddanka Qadar.

Talaabadaasi ayaa waxaa ujeedka laga leeyahay waxaa lagu sheegay in ay tahay sidii loosoo afjari lahaa colaad in ka badan 18-sano ka taagan waddankaasi.

Danjiraha Mareykanka ee arrimaha nabadda, Zalmay Khalilzad, ayaa hoosta ka xariiqay in wareega wada hadallada ee Dooxa ay yihiin kuwii ugu wanaagsanaa taariikhda, isaga oo rajo fiican muujiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM