Qasa: Dad badda ku geeriyooday iyagoo ka soo ururinaya gargaar ay diyaarado ku daadiyeen

Image
Dadkan gaajaysan ayaa badda galay si ay u helaan gargaar ay diyaarado ku soo rideen.

Qasa (GO) - Xafiiska warfaafinta ee Xamaas ayaa xaqiijiyay Talaadadii in 18 qof ay dhinteen ka dib markii ay isku dayeen shalay oo Isniin ahayd, inay ururiyaan gargaar ay diyaarado ku soo daadiyeen badda iyo dhulka waqooyiga Marinka Qasa, oo uu ka socdo dagaal ba’an.

Xafiisku wuxuu sheegay in 12 ka mid ah ay ku dhinteen "ka dib markii ay ku qaraqmeen waqooyiga marinka Qasa, halkaas oo daraasiin muwaadiniin gaajaysan ay galeen badda si ay u helaan gargaar ay diyaarado ku soo rideen."

Ururka ayaa intaasi ku daray: "6-kale oo muwaadiniin ah ayaa sidoo kale ku dhintay isbuurasho ka dhacday dhowr meel iyaga oo doonayay inay helaan gargaar ay diyaaradaha soo rideen”.

Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa dhankeeda ku dhawaaqday in 7 qof oo reer Qasa ah ay dhinteen, xilli ay isku dayayeen in ay helaan gargaar ay diyaarado ku soo rideen baarashuudka oo ku dhacay badda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Anas al-Shariif iyo shan wariyeyaal Al Jazeera ah oo lagu dilay duqeymaha Israa’iil

Al-Shariif, oo 28 jir ahaa, ayaa muddo dheer ka soo waramayey waqooyiga…

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 10:17PM

Masar iyo Turkiga oo Cambaareeyay Qorshaha Israa’iil ee Qabsashada Magaalada Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa si la mid ah uga hadlay arrintan, isagoo yiri, “Waa in si daahfuran looga hadlaa.

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 05:40AM