QatarEnergy oo Joojisay Maraakiibta Gaaska Dabiiciga ah ee Maraya Badda Cas – Reuters

Image

Dowladda Qatar, oo ah dhoofiyaha ugu weyn ee gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG), ayaa joojisay inay maraakiibteeda u dirto Badda Cas, iyadoo ay jirto shaki sii kordhaya oo ku saabsan amniga marinka muhiimka ah ee maraakiibta, sida ay werisay Reuters Isniintii.

Ilo aan magacaabnayn oo arrintan xog ogaal u ah ayaa wargeyska u sheegay in ugu yaraan afar markab oo qaadi jiray LNG-ga Qatar lagu hayay badda dhammaadkii usbuuca, taasoo ka dambeysay weerarradii cirka iyo badda ee Mareykanka iyo UK ay ku qaadeen Yemen kuwaas oo jawaab u ahaa weerarrada Xuutiyiinta ee ka dhanka ah maraakiibta Badda Cas.

Xogta raadraaca maraakiibta ayaa muujineysa in saddex ka mid ah maraakiibtaas ay LNG ka qaadeen Ras Laffan ee Qatar isla markaana ay ku sii jeedeen Kanaalka Suez, balse ay ku hakadeen xeebaha Cumaan 14-kii Janaayo, sida lagu sheegay warbixinta. Markabka afaraad, oo dib ugu laabtey Qatar, ayaa joojiyay socodkiisii 13-kii Janaayo ee Badda Cas.

“Ilaa amniga laga xaqiijinayo, marinka Badda Cas, waxaan u weecan doonnaa dhinaca Cape of Good Hope,” ayuu yiraahdeen ilaha warbixinta. “Ma aha joojin wax-soo-saar,” ayuu ilahaasi ku dareen.

Sida ay xustay xogta LSEG (Kooxda Suuqa Saamiyada London) ee ay soo xigatay Reuters, Qatar ayaa dhoofisay in ka badan 75 milyan tan oo shidaal ah sannadkii 2023, taas oo 14 milyan oo tan loo dhoofiyey Yurub iyo 56.4 milyan oo tan loo dhoofiyey Aasiya.

Shirkadaha maraakiibta waaweyn ayaa bilaabay inay maraakiibtan, oo ay ku jiraan kuwa LNG-ga sida, mariyaan safarro dheer oo qaali ah oo ka wareegaan Koonfur Afrika, gaar ahaan Cape of Good Hope, kaddib markii kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ay ku dhawaaqeen xayiraad aan rasmi ahayn oo ay ku soo rogeen Badda Cas iyo Kanaalka Suez.

Xuutiyiinta ayaa weeraray maraakiibta la aaminsan yahay inay xiriir la leeyihiin Israel, iyagoo sheegaya inay taageero u muujinayaan Falastiiniyiinta kaddib markii xiisadaha Gaza ay sii kordheen.

GAROWE ONLINE + WAKIILADAHA

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM