"Qaybo kamida India kuma dhalan gabar saddexdii bil ee u dambeysay"

Image

NEW DEHLI, India – Dowladda Hindiya ayaa waxay soo bandhigtay daraasad naxdin leh oo laga sameeyay qeybo kamid ah waddankaasi.

Cilmi Baarista ayaa shaaca ka qaadey in 132 xaafad oo ka tirsan degmo ku taala dalkaasi aysan gabar ku dhalan, saddexdii bilood ee lasoo dhaafay.

Mas'uuliyiinta ayaa waxay tilmaameen in 947 cunug oo lagu dhalay 500 xaafad, 132 kamid ah aysan Hablo ku jirin.

Xaafadahaasi aysan gabdhaha ku dhalan ayaa la sheegayaa in ay ku dhasheen 468 wiilal, taasi oo dadka ku noqotay wax layaab leh.

Daraasadda oo lasoo bandhigay todobaadkii lasoo dhaafay ayaa laga sameeyay is-maamulka Uttarakhand si gaar ah degmada Uttarkashi.

Maamulka degmadda ayaa 132-da xaafad ka dhigay "qad cas" waxaana loo diray koox ka kooban 25 mas'uul oo baaritan ku sameysay dhacdadan.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa waxay sheegeysaa in tuhunka jira uu yahay in waalidiinta ay go’aansadeen in lasoo xaaqo gabdhaha.

Dalka Hindiya ayaa la sheegaa in uu kamid yahay meelaha aadka loogu tacadiyo xuquuqda dumarka, loona geysto xadgudubyo ay kamid tahay kufsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM