QM oo joojisay wada hadladii nabada ee Suuriya.

Image

Switzerland - QM waxay ku dhawaaqday inay joojisay wada haladii nabad ee looga gol lahaa in lagu soo afjaro colaada 5-ta sano jirsatay ee dalka Suuriya sida uu sheegay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay.

Staffan de Mistura wuxuu qiray in la gaari waayey wax horumar ah laakiin wuxuu sheegay in aysan wada hadaladu fashilmin markalena dib loo bilaabi doono  25 Feb, 2016.

Labada dhinac midba midka kale ayuu ku eedaynayaa masuuliyada burburka ku yimi wareegan.

Talaabadan ayaa ku soo aadaysa xili Dowlada Suuriya sheegatay inay dhabar jab wey u geysatay kooxaha mucaaradka iyadoo jartay wadooyin muhiim u ah sahayda u socota magaalad ay mucaaradku haystaan ee Aleppo.

Cod baahiyaha "TV" Dowlada ayaa ku waramaya in ciidamadu jebiyeen go'doomintii lagu hayey magaalooyinka Nubul and Zahraa oo dhaca woqooyi galbeed ee Gobolka Aleppo.

Intii wada hadalku socday Mr de Mistura wuxuu qiray "Waxaa jira shaqo badan oo la qabtay", "Ma aha dhamaadkii mana aha fashilka wadahadalka".

"Maxay halkan u yimaadeen oo ay u joogeen, Labada dhinacba waxay cadeeyeen xaqiiqdii inay danaynayeen bilaabashada geedi socod siyaasadeed".

Hogaamiyihii weftiga dhinaca dowlada suuriya ka socoday ayaa ku eedeeyey mucaaradku joojinta wada hadalada.

Bashar Jaafari ayaa ku eedeeyey inay ku shaqeeyaan awaamiirta Sucuudiga, Turkiga & Qadar "Sabaabtaas ayaa wadahadalada ku keentay fashilka" Sida uu sheegay Cod baahiyaha Dowlada Suuriya.

Waxay ku eedeeyeen fashilka wadahadaladii dhinaca Dowlada, Golaha sare ee wada xaajoodyada HNC oo leh kuma soo noqon doono inta xaalada gudihii la hagaajinayo.

"Dhamaan dunida waa aragtaa cida keentay in wadahadalku fashilmo. Yaa weli duqaynaya rayidka dadkana ku dilaya gaajo" Ayuu yiri Riad Hijab oo ah xubin sare oo ka tirsan dalada mucaraadka ee HNC.

Mucaaradku waxay ka caraysan yihiin weerarada joogtada ah ee Dowlada oo taageero ka helaysa xoogaga cirka ee Ruushka sida kan Aleppo kuwaas oo xataa sii socda iyadoo miiska wada hadalada la fadhiyo.

Markii horeba waxaa la rumaysnaa in wada hadaladani yihiin kuw adag laakiin ma jirin qof saadaalinayey inay sadex cisho gudahood ku soo dhamaanayaan.

Dagaalka Sukeeya ee Suuriya waxaa ku naf waayey dad lagu qiyaasay 250,000 halka 11 Milyan ka carareen guryahooda waxaana la filayaa maalinimada khamiista inuu ka furmo magaalada London shir qaaraan ururin si loo helo balaayiin doolar oo wax loogu qabto dhibanayaasha uu saameeyey.

Dunida wuxuu soo xasuusiyey maalmihii dagaalkii qaboobaa sababta oo ah waxaa ku kala aragti duwan Dowlada iyo mucaaradka kala taageeraya Maraykanka iyo Ruushka kuwasoo horay dagaalo aan toos ahayn isagaga horyimi meelo badan oo caalamka ka mid ah wixii ka horeeyey 1991 markaasoo dagaalkii qaboobaa la soo afjaray.

Falcelin.

Maraykanka ayaa ku eedeeyey Ruushku inuu qayb ka yahay joojinta wadahadalada isagoo leh waxay diyaaradihiisu duqayn la beegsanayaan fariisimaha kooxaha mucaaradka.

Faransiiska ayaa sidoo kale ku dhaleecaynaya Dowlada Suuriya iyo Ruushka in aysan daacad ka ahayn wada hadalada sida ka muuqata ficiladooda ciidan.

Laakiin goor hore oo maanta ah Wasiirka Arrimaha Dibada Ruushka Sergei Lavrov ayaa carabka ku adkeeyey inaysan joojin doonin duqayntooda ilaa ay jebinayaan wuxuu ugu yeeray argagixisada sida kooxda Al~Nusra.

GAROWEONLINE+ WAKAALADAHA

Related Articles

Isbahaysiga ka dhanka ah Itoobiya oo ku shiray dalka Masar

Falanqeeyayaasha ayaa soo jeedinaya in shirkan saddex geesoodka ah uu muujinayo jawaab celin adag oo Masar.

  • Caalamka

    11-01-2025

  • 03:01PM

Lubnaan: Taliyihii Ciidanka Lubnaan Joseph Aoun oo Madaxweyne noqday

Dowladaha Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa taageero siiyay Jeneraalka si uu ugu soo baxo doorashadda Madaxweynaha.

  • Caalamka

    09-01-2025

  • 01:39PM