Qorshaha ‘Xamaas’ ay ka laheyd weerarka Israa’iil oo daaha laga rogay

Image

Qasa - Warbixin ay soo saartay Israa’iil ayaa lagu sheegay in dagaalyahannada dhaqdhaqaaqa iska caabinta Falastiin ee “Xamas” ay haysteen khariidado faahfaahsan oo sheegaya halka ay ku kala yaalaan saldhigyada millatari ee Israa’iil.

Warbixintu waxay tilmaantay in ay suurtogal tahay in Xamaas ay qorsheeyeen in ay qabsadaan saldhigga "Hatzrim", ee ku yaalla koonfurta Israa'iil, sida laga soo xigtay website-ka "i24 News" ee dalkaas..

Tirada dagaalyahannada Xamaas ee gudaha u galay magaalooyinka Israa’iil ee ku hareeraysan marinka Qasa ayaa gaaray ilaa 1,500 oo dagaalyahanno ah.

Telefishinka rasmiga ah ee Israa’iil ayaa sheegay in khubarada qaraxyada ay la tacaaleen in ka badan 80 baabuur oo ay isticmaalayeen “Xamaas”, iyagoo xusay inay ku jireen hub, walxaha qarxa iyo bambooyin.

Taliyaha guud ee guutada Izz al-Din al-Qassam, garabka militariga ee dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Falastiin, Muhammad al-Deif, ayaa ku dhawaaqay Sabtidii, bilawga Hawlgalka "Duufaanta Al-Aqsa" iyaga oo ka jawaabaya xadgudubyada Israa'iil.

Al-Deif ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri: “Weerarkii ugu horreeyay, oo lagu bartilmaameedsaday fariisimaha cadowga, garoomada diyaaradaha iyo dhufeysyada militariga, waxa uu dhaafiyay 5,000 oo gantaallo iyo madaafiic ah.”

Xamaas waxa u suurtagashay in ay gacanta ku dhigaan tiro aan la garanayn oo Israa’iiliyiin ah oo ay ku jiraan askar iyo saraakiil, kadibna ay dib ugu celiyaan marinka Qasa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiskii Nukliyeerka Mareykanka iyo Sacuudiga oo Khilaaf ka Dhex Abuuray Maamulka Trump

Wasaaradda Tamarta ayaa dhinaceeda beenisay inay si madax-bannaan u shaacisay heshiiska…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:15AM

Weerarada Iran ee xarumaha CIA-da oo dhaliyay su’aalo ku saabsan doorka suurtagalka ah ee Ruushka

Qaar ka mid ah ilo-wareedyada ayaa sheegay in xarumo kale oo CIA ah sidoo kale la beegsaday, balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.

  • Caalamka

    23-07-2026

  • 10:47AM