Qorshaha ‘Xamaas’ ay ka laheyd weerarka Israa’iil oo daaha laga rogay

Image

Qasa - Warbixin ay soo saartay Israa’iil ayaa lagu sheegay in dagaalyahannada dhaqdhaqaaqa iska caabinta Falastiin ee “Xamas” ay haysteen khariidado faahfaahsan oo sheegaya halka ay ku kala yaalaan saldhigyada millatari ee Israa’iil.

Warbixintu waxay tilmaantay in ay suurtogal tahay in Xamaas ay qorsheeyeen in ay qabsadaan saldhigga "Hatzrim", ee ku yaalla koonfurta Israa'iil, sida laga soo xigtay website-ka "i24 News" ee dalkaas..

Tirada dagaalyahannada Xamaas ee gudaha u galay magaalooyinka Israa’iil ee ku hareeraysan marinka Qasa ayaa gaaray ilaa 1,500 oo dagaalyahanno ah.

Telefishinka rasmiga ah ee Israa’iil ayaa sheegay in khubarada qaraxyada ay la tacaaleen in ka badan 80 baabuur oo ay isticmaalayeen “Xamaas”, iyagoo xusay inay ku jireen hub, walxaha qarxa iyo bambooyin.

Taliyaha guud ee guutada Izz al-Din al-Qassam, garabka militariga ee dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Falastiin, Muhammad al-Deif, ayaa ku dhawaaqay Sabtidii, bilawga Hawlgalka "Duufaanta Al-Aqsa" iyaga oo ka jawaabaya xadgudubyada Israa'iil.

Al-Deif ayaa bayaan uu soo saaray ku yiri: “Weerarkii ugu horreeyay, oo lagu bartilmaameedsaday fariisimaha cadowga, garoomada diyaaradaha iyo dhufeysyada militariga, waxa uu dhaafiyay 5,000 oo gantaallo iyo madaafiic ah.”

Xamaas waxa u suurtagashay in ay gacanta ku dhigaan tiro aan la garanayn oo Israa’iiliyiin ah oo ay ku jiraan askar iyo saraakiil, kadibna ay dib ugu celiyaan marinka Qasa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM