Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo lala beegsaday isku-day khaarijin ah

Image
Robert Fico oo xukunka kusoo laabtey sanadkii hore ayaa u jaranjeera dhanka Ruushka.

LONDON, UK - Ra'iisul Wasaaraha waddanka Slovakia, Robert Fico, ayaa lagu toogtay dhowr xabadood isaga uu soo gaarey dhaawac Arbacadii, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

Hase ahaatee, ku xigeenkiisa ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in Fico uu noolaan doono wallow wararka qaarkood ay tibaaxayaan in dhaawaciisa uu yahay mid aad u daran.

Fico ayaa la toogtay isaga oo taageerayaashiisa ku salaamayey munaasabad qeyb ka ahayd olole doorasho. Isku-daygan dil ayaa ka gilgishay Yurub oo dhan toddobaadyo ka hor doorashada.

Tuhmane ayaa xabsiga ku jiray, waxaana baaritaankii ugu horreeyay lagu helay "in falkan uu xiriir toos ah la leeyahay arrimo siyaasadeed" oo ay ka dambeeyeen xubnaha mucaaradsan.

Wasiirka arrimaha gudaha, Matus Sutaj Estok, ayaa shaaca ka dhigay in ay sii wadayaan baaritaanka si loosoo ogaado maskaxda saxda ah ee ka dambeysay falkan khaarijinta ah.

Fico aa ​​xukunka kusoo laabtey sannadkii hore taas oo dhalisay doodo ku saabsan in uu u jaranjeero Ruushka kana soo horjeeda Maraykanka. Tani waxa ay walwal ku abuurtey Midowga Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM

Danjirihii hore ee Mareykanka oo sheegay in Xasan Sheekh si sharci-darro ah ku joogo Villa Somalia

André ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay wararka sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee F-16 ee Turkigu ay duqeymo ka fuliyeen gobolka.

  • Caalamka

    13-10-2026

  • 11:53AM