Ra’iisul wasaaraha Sweden oo u jawaabay hogaamiye xisbi oo ku baaqay in la dumiyo masaajidda

Image

STOCKHOLM (GO) - Ra'iisul wasaaraha Sweden Ulf Kristersson ayaa dhaleeceeyay hogaamiyaha xisbiga midigta fog Jimmie Åkesson, kaasoo ku baaqay in la dumiyo dhammaan masaajidada ku yaala Sweden.

Jimmie Åkesson oo Sabtidii kudbad ka jeedinayey shirweynihii sannadlaha ahaa ee xisbigiisa ayaa yiri:

“Waa in aan bilownaa in aan dumino masaajidda kuwa ka soo horjeeda dimuqraadiga, Sweden, iyo Yuhuudda.

Isagoo ka jawaabaya hadalka Åkesson, Ra'iisul wasaaraha ayaa yiri, "Waxay ila tahay ixtiraam darro oo lagu xumeyno Sumcada ay Sweden ku leaadahay caalamka”.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM