Ra'iisul wasaare dhagax la dhuftey isagoo olole ku jira

Image
Dhacdadan ayaa lasoo wariyey in ay qabsatay isaga oo sii galaya baskii uu saarnaa.

TORONTO, Canada - Ra'iisul wasaaraha dalka Canada, Justin Trudeau, ayaa dhagaxyo yaryar garabka looga dhuftey isaga oo ku jira olole doorasho. Ma jiro wax dhaawac soo gaarey.

Dhacdadan ayaa lasoo wariyey in ay qabsatay isaga oo sii galaya baskii uu saarnaa ka gedaal markii uu kasoo laabtey goob
khamriga lagu iibiyo.

Sanadkii 2016-kii, haweeney ayaa Trudeau ku soo tuurtay miraha bocorka. Trudeau oo shir jaraa'id ka hadlay wuxuu biyo-qabow ku shubay in dadka dalkiisu neceb yihiin.

Mr Trudeau ayaa ku dhawaaqay doorasho degdeg ah bartamihii bishii Ogosto, isaga oo rajaynaya in uu helo aqlabiyad dawladnimo oo uu yeesho xisbigiisa Liberal-ka ee bidix-dhexe.

Hase ahaatee, ololihiisa waxaa carqaladeeyay bannaanbaxyo looga soo horjeedo waajibaadka tallaalka safmareenka halista ah ee Covid-19 iyo xannibaadyo kale.

Toddobaad uun ka hor, ra'iisul wasaaraha ayaa lagu qasbay inuu baajiyo isu soo bax doorasho markii rayid careysan oo mudaaharaadayay ay weerar gaadmo ah ku qaadeen.

Bishii hore, dawladdu ayaa sheegtey in dhamaan shaqaalaha rayidka ah ay tahay in la tallaalo dhammaadka Oktoobar ama ay halis ugu jiraan inay waayaan guud ahaan shaqooyinkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Hakiyay Duqeymo Dheeraad ah oo Mareykanku ku Qaado Iiraan

Ilaa iyo hadda, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) si rasmi ah ugama aysan hadlin warbixinta.

  • Caalamka

    25-07-2026

  • 07:37PM

Dalalka xubnaha ka ah ICC oo u codeeyey in xilka laga qaado Xeer-ilaaliye Karim Khan

Go’aankan ayaa yimid ku dhowaad laba sano kaddib markii Karim Khan lagu soo…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:57PM