Ra'iisul Wasaaraha Canada oo dhaliilay hadaladii nacaybka ee Trump

Image

OTTAWA, Canada – Ra'iisul Wasaaraha dalka Canada ayaa maanta oo Talaado ah wuxuu si adag u cambaareeyay hadaladii nacaybka ee madaxweynaha Mareykanka.

Erayadda Donald Trump oo si weyn loogu dhaliilay ayaa ahaa in mudaneyaal ku cusub xeer-dejinta Mareykanka uu ugu baaqay in ay dib ugu laabtaan dalalkooda "burbursan".

Xildhibaanadda uu dalalkooda ku gafay waxaa kamid ah Ilhaan Cumar, oo asal ahaan kasoo jeeda dalka leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika ee Soomaaliya, dhacana Geeska mandiqada.

Isaga oo ka hadlayey shir jaraa'id oo ay qabteen xubnaha gaashaanbuurta NATO, lana su'aalay arrintan ayuu Justin Trudeau yiri: "Taasi ma ahan qaabka aynu ku sameyn lahayn Canada".

Xubnaha uu beegsaday Trump ayaa kala ah; Alexandria Ocasio-Cortez, Ilhan Omar, Rashida Tlaib, iyo Ayanna Pressley kuwaasi oo kusoo baxay doorashadii u dambeysay ee 2018-kii.

Ocasio-Cortez, Pressley iyo Tlaib ayaa kuwada dhashay gudaha Mareykanka, halka Ilhaan ay ku dhalatay gudaha Soomaaliya balse waxay muwaadin Ameerikan ah ay noqotay sanadkii 2000.

Haweenkan ayaa aad ugu caan-baxay in ay dhaleeceynta siyaasada Trump ee ka dhanka ah dadka soo galootiga ah, waxayna wacad ku mareen in aysan marnaba ka tanaasuli doonin taasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiska Is-afgaradka Mareykanka iyo Iiraan: Maxaa ku jira, maxaase weli mugdi ku jira?

Heshiiskan oo ka kooban 14 qodob, isla markaana aan aad u dheereyn, ayaa diiradda…

  • Caalamka

    18-06-2026

  • 12:48AM

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM