Rodrigo Duterte oo ka fadhiistay saaxadda siyaasadda
MANILA, Filibin - Madaxweynaha waddanka Filibiin, Rodrigo Duterte, ayaa wuxuu sheegay in uusan u tartami jagada doonin madaxweyne ku xigeenka doorashooyinka sanadka soo socda.
Duterte ayaa shaaca ka dhigay in uu ka fariisan doono siyaasadda marka uu dhammaado muddadiisa. Sanadkii 2016-kii illaa waqti xaadirkan ayuu xafiiska jooga.
Kaligii-taliskan aad ula diriray maandooriyaha ayaa ku dhawaaqay go’aanka la yaabka leh Sabtidii. Dastuurka Filibiin wuxuu madaxweynayaasha u xaddiday lix sano oo keliya.
Go'aankiisa lama filaanka ah ayaa wuxuu dhabaha u xaarayaa warar la isla dhex-marayo oo ah in uu gabadhiisa Sara Duterte-Carpio u diyaarinayo in ay badasho isaga.
In ka badan 60 milyan oo reer Filibiin ah ayaa bisha May u codeyn doona madaxweyne cusub, madaxweyne ku xigeen iyo in ka badan 18,000 oo xildhibaano ah iyo dowladda hoose.
Dadka indha -indheeya siyaasadda ayaa muddo dheer ka shakisanaa in Duterte uu ku dhici karo lama filaan, sida dalabka madaxweynenimo ee gabadhiisa sanadka soo socda.
Duterte-Carpio ayaa mar labaad tartameysa wax yar ka dib markii aabaheed uu iclaamiyey in uu noqonayo howlgab taasoo mucaaradka ay ku sifeeyeen wax ka baxsan mala-awaalkoodda.
GAROWE ONLINE