Russia oo Turkiga ku eedaysay inay taageerayso argagixisada

Image

24 November, 2015(GO)-Diyaar dagaal oo laga leeyahay dalka Russia ayaa maanta oo Talaada ah lagu soo riday xadka u dhaxeeya Suuriya iyo Turkiga sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga dalkaasi.

Riditaanka diyaaradan ayaa timi  ka dib markii ay gashay hawada Turkiga, kana dhaga adaygtay digniino la siiyay, waxaana sidaasi shaaciyay xubno ka tirsan Milatariga dalkaasi.

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa sheegtay in diyaaraddan oo nooceedu ahaa Su-24  aysan maranaba ka bixin xududda Syria. Russia waxay sidoo kale sheegtay in duuliyayaashii diyaaradda ka baxeen ka hor intaysan dhicin, balse lama oga xaaladooda. 

Video laga helay goobta shilka uu ka dhacay ayaa muujinayey laba duuliye oo baarashuut ku degaya.

Afhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegay inaysan xaqiijin karin diyaaradda lasoo riday, balse ay si dhow isha ugu hayaan arrintan.

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Putin, ayaa ka hadlay dhacdadan xilli magaalada Sochi oo kula kulmay boqorka Jordan boqor Cabdalla, wuxuuna Turkiga ku eedeeyay inay taageero siiso argagixisada.

“Tallaabada Turkiga ma jito wax lagu macneeyo oo aan ka ahayn inay tahay ficil dhabar ka toogasho oo ay sameeyeen kuwa la jira argagixisada” ayuu yiri Putin.

Falkan ayaa imaanay xilli Turkigu dhawr jeer oo hore dalka Ruushka uga digay in diyaaradihiisa dagaalka soo galaan hawadooda, waxaana diyaaradan maanta la riday xilli la siiyay 10 digniinooda, 10 daqiiqo gudahooda sida saraakisha dalkaasi sheegayaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM