Russia: Xiriirka diyaarad uu la socday mas'uul oo la waayey

Image

MOSCOW, Russia - Diyaarad Ruush ah oo nooceedu yahay AN-26 ayna saarnaayeen ugu yaraan 28 qof ayaa lagu waayey Kamchatka Peninsula oo ku taal bariga fog ee Ruushka, sida ay warisaywakaaladaha wararka oo soo xiganaya masuuliyiinta gobolka.

"Waxay ka duuleysay Petropavlovsk-Kamchatsky una socotay Palana oo ku taal gacanka Kamchatka markii u dambeysay ee xiriirkeeda la haayey," ayay daabaceen wakaaladaha Interfax, RIA Novosti iyo TASS kuwaas soo xigtay saraakiil sarre oo maxali ah.

Diyaaradda ayaa lumisay xiriirkii ay la laheyd hagidda maamulka duulimaadyada intii ay isku dayeysay inay soo degto, ayay TASS si gooni gooni ah u soo xigatay ilo ay sheegtay.

Valentina Glazova, oo ah afhayeen u hadlay xafiiska dacwad oogaha gaadiidka maxalliga ah, ayaa tiri "dadaallada goobidda iyo samatabbixinta ayaa socda".

"Waxa kaliya ee la ogyahay waqtigan, waxa suurtagalka ah in ay soo ifbaxaan, ayaa ah in xiriirkii diyaaradda uu hakad galay iyaddoo dooneysa in ay soo caga-dhigato," ayay Glazova u sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Dadka saarnaa waxaa ka mid ah lix shaqaale ah iyo 22 rakaab ah, oo uu ku jiro hal canug, sida laga soo xigtey saraakiisha deegaanka oo magacyadooda ka gaabsadey.

Diyaaradda waxaa iska lahayd shirkad lagu magacaabo Kamchatka Aviation Enterprise. Diyaaradda ayaa shaqeyneysay tan iyo 1982, sida ay ku warantay wakaaladda wararka dowladda Ruushka ee TASS. Agaasimaha shirkadda, Alexei Khabarov, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Interfax in diyaaradda ay farsamo ahaan wanaagsan tahay.

Waxaa jiray warar is khilaafsan oo ku saabsan waxa dhici kara, iyadoo ilo wareedyo u sheegeen TASS in diyaaradda ay ku dhici lahayd badda, mid kalena u dusiyey Interfax inay dhici karto inay ku dhacday meel u dhow goob dhuxusha laga qodo oo ku dhow magaalada Palana.

Diyaaradda ayaa ku soo dhowaatay inay degto markii xiriirku ka lumay meel 10 kiiloomitir (lix mayl) u jirta garoonka diyaaradaha Palana. Madaxa dowladda hoose ee Palana, Olga Mokhireva, ayaa la socday duulimaadka, sida uu xaqiijiyey afhayeen u hadlay dowladda Kamchatka.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa intaas ku dartay in la bilaabay baadigoob ay ku lug leeyihiin ugu yaraan laba diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah, shaqaalaha gurmadkuna ay heegan ku jireen. Waa naadir in la helo dad ka badbaadey shil diyaaradeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump Oo Dimuqraadiga Ku Eedeeyay Shilka Diyaaradeed Ee Potomac River

Trump oo hadalkiisa sii wata, ayaa xusay in xilligii uu xilka hayay uu sare u qaaday…

  • Caalamka

    30-01-2025

  • 06:27PM

Axmad Al-Sharaa Oo Noqday Madaxweynaha Ku-Meel-Gaarka Ah Ee Suuriya

Qatar, oo taageeraysa maamul cusub, ayaa soo dhawaysay bayaan ay ku sheegtay…

  • Caalamka

    30-01-2025

  • 05:47PM