Ruto oo cambaareeyay weerarada lagu qaadey Imaaraadka xili uu Abu Dhabi booqday

Image
Image
Image
Image

ABU DHABI — Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan, iyo dhiggiisa dalka Kenya, Dr. William Samui Ruto, ayaa ku kulmay magaalada Abu Dhabi si ay u xoojiyaan xiriirka labada dal.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray ballaarinta iskaashiga dhinacyada maalgashiga, tamarta dib loo cusboonaysiiyo, tiknoolajiyadda, iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

Labada hoggaamiye ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda uu leeyahay Heshiiska Iskaashiga Dhaqaalaha ee loo dhan yahay (CEPA) si loo abuuro fursado cusub oo horseeda barwaaqo dhaqaale.

dhinaca kale, labada dhinac ayaa falanqeeyey xaaladda ammaan ee Gobolka Bariga Dhexe iyo saameynta ay ku leedahay xasilloonida caalamka iyo isu-socodka maraakiibta.

Madaxweyne William Ruto ayaa mar kale cambaareeyey weeraradii ka dhanka ahaa rayidka iyo kaabayaasha Imaaraadka, isagoo ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo xeerarka caalamiga ah.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin sarre oo ka tirsan madaxtooyada Imaaraadka iyo xubno ka tirsan dowladda Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sagal Cabdi-Wali oo ku Guuleysatay Kursigii Baarlamaanka ee Keir Starmer

Sagal Cabdi-Wali ayaa si aqlabiyad leh uga guuleysatay hoggaamiyaha Xisbiga….

  • Caalamka

    09-10-2026

  • 05:45AM

Xuutiyiinta oo weeraray garoonka diyaaradaha ee Riyadh

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in duulimaadyada ku wajahnaa garoonka Riyadh ay leexdaan.

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 11:46AM