Ruux baqtiyaanasiib ku helay hal milyan oo dollar balse aan wali ogayn

Image

ABU DUBAI, UAE – Nin u dhashay dalka Hindiya balse degan Cumaan ayaa ku guuleystay baqtiyaanasiibka Dubai Duty Free Millennium Millionaire kaasoo sanadkan qiimihiisu gaarayo hal milyan oo dollar.

Raghu Krishnamurthy oo illaa iyo haatan aanan ogeyn bilada qiimaha badan ee uu hantay ayaa waxaa uu qabsaday Tikidka 0891 kaasoo lamberkiisu yahay 301, sidda ay shaaciyeen Guddiga qaban-qaabadda.

Krishnamurthy ayaa waxa uu noqonayaa shaqsigii 143aad ee u dhashay dalkaasi qaaradda Aasiya dhaca ee ku guuleysta baqtiyaanasiibkan, kaasoo ay ka qeybgalaan dad kala duwan oo caalamka ku nool.

Dhanka kale, muwaadin kale oo Armenia u dhashay kaasoo lagu magacaabo Abraham Melkunian ayaa ku guuleystay baqtiyaanasiibka ee Dubai Duty Free Finest Surprise oo ku xusnaa gaari noociisu yahay 750 LI XDrive.

Melkunian, oo 48-sano jir ah, kaasi oo farxad weyn ka muujiyey guusha uu helay ayaa u mahad-celiyay shirkada isku soo dabariday, isaga oo ku tilmaamay "arrin muhiim ah oo dadka lagu farxad-gelinayo".

Guuleystahan ayaa waxa uu qabsaday Tikirka 1261 kaasoo lamberkiisu yahay 1720, sidda uu ku dhawaaqay Guddiga.

Ugu dambeyntii, laba qof kale oo u dhashay Hindiya oo lagu kala magacaabo Srinivas Kriram iyo Mahroof Babu ayaa waxay ku guuleysteen mootooyin ku xusnaa isla baqtiyaanasiibkani.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafkii Sacuudiga iyo Imaaraadka oo sii qoto dheeraaday kaddib dagaallo ka dhacay Yemen

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in Riyadh ay ka walaacsan tahay ballaarinta saameynta Imaaraadka ee dekedaha.

  • Caalamka

    21-01-2026

  • 11:04AM

Ugu yaraan 39 qof oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay koonfurta Spain

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa sheegay in dalka uu wajihi doono “habeen xanuun weyn leh”.

  • Caalamka

    19-01-2026

  • 11:33AM