Ruux baqtiyaanasiib ku helay hal milyan oo dollar balse aan wali ogayn

Image

ABU DUBAI, UAE – Nin u dhashay dalka Hindiya balse degan Cumaan ayaa ku guuleystay baqtiyaanasiibka Dubai Duty Free Millennium Millionaire kaasoo sanadkan qiimihiisu gaarayo hal milyan oo dollar.

Raghu Krishnamurthy oo illaa iyo haatan aanan ogeyn bilada qiimaha badan ee uu hantay ayaa waxaa uu qabsaday Tikidka 0891 kaasoo lamberkiisu yahay 301, sidda ay shaaciyeen Guddiga qaban-qaabadda.

Krishnamurthy ayaa waxa uu noqonayaa shaqsigii 143aad ee u dhashay dalkaasi qaaradda Aasiya dhaca ee ku guuleysta baqtiyaanasiibkan, kaasoo ay ka qeybgalaan dad kala duwan oo caalamka ku nool.

Dhanka kale, muwaadin kale oo Armenia u dhashay kaasoo lagu magacaabo Abraham Melkunian ayaa ku guuleystay baqtiyaanasiibka ee Dubai Duty Free Finest Surprise oo ku xusnaa gaari noociisu yahay 750 LI XDrive.

Melkunian, oo 48-sano jir ah, kaasi oo farxad weyn ka muujiyey guusha uu helay ayaa u mahad-celiyay shirkada isku soo dabariday, isaga oo ku tilmaamay "arrin muhiim ah oo dadka lagu farxad-gelinayo".

Guuleystahan ayaa waxa uu qabsaday Tikirka 1261 kaasoo lamberkiisu yahay 1720, sidda uu ku dhawaaqay Guddiga.

Ugu dambeyntii, laba qof kale oo u dhashay Hindiya oo lagu kala magacaabo Srinivas Kriram iyo Mahroof Babu ayaa waxay ku guuleysteen mootooyin ku xusnaa isla baqtiyaanasiibkani.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM