Ruuxaani oo shuruud adag ku xiray in uu la kulmo Donald Trump

Image

TEHRAN, Iran – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iiraan ayaa durbadiiba wuxuu ka fal-celiyay hadalkii saacado kahor kasoo yeeray dhigiisa Mareykanka.

Donald Trump oo ka hadlayey shirka G7 ee ka socda dalka Faransiiska ayaa shaaciyay in ay suurtogal tahay in uu la kulmo Xasan Ruuxaani.

Balse, Ruuxaan oo gebi ahaanba meesha ka saarey ayaa tibaaxay in kaliya kulmi karaan Trump marka uu qaado cunaqabeynta uu saarey Tehran.

Isaga oo u muuqda mid aad uga war-haya in ay shuruudaasi oo kale imaan doonto, Trump ayaa carabka ku dhuftay in aysan qaadi doonin xayiraadaasi.

Washington iyo Tehran ayaa gorada waxay isugula jiraan tan iyo markii uu Trump ka baxay heshiiska caalamiga ah ee dhinaca Nukliyeer-ka.

"Waan la hadleynaa, hadii Mareykanka uu qaado cunaqabeyntiisa sharci daradda iyo aan cadda lahayn ee uu Iiraan kusoo rogay," ayuu yiri Ruuxaani.

Iyadda oo Mareykanka ka baxay Axdigaasi, haddana waxaa baaqi kusii ah wadamada Yurub, kuwaasi oo doonaya in ay badbaadiyaan heshiiska.

Cunaqabeynta Trump ayaa waxaa la sheegay in waxyeelo daran gaarsiisay dhaqaalaha Iiraan, kaasi oo hoos u dhac weyn uu ku yimaadey.

"Waan sii wadaynaa heshiiska, hadii danaheeda maalgelinta la damaanad qaado. Tehran marnaba ma dooneyso hub Nukliyeer," ayuu ku daray Ruuxaani.

Sikastaba, Trump iyo Ruuxaani ayaa la filayaa in ay kasoo wada muuqdan kulanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaasi oo qabsoomaya bisha September.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga: Israel waxay raadinaysaa fursad ay ku weerarto Iran

Wasiirka ayaa intaa ku daray inuu si toos ah uga muujiyey walaacyada uu qabo mas’uuliyiinta Iiraan intii uu booqasho ku joogay dalkaas.

  • Caalamka

    24-01-2026

  • 10:41AM

Trump oo ka laabtay casuumaaddii Canada ee “Guddiga Nabadda” kadib hadalkii Carney ee Davos

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ka-qeybgalkeedu ku xaddidan yahay oo kaliya…

  • Caalamka

    23-01-2026

  • 01:05PM