Rwanda oo ka bilaabanaya xuska xasuuqii loo gaystay qoomyada Tutsiga ee laga tirada badnaa

Image
Rwanda ayaa berri xuseysaa sannad-guuradii 30-aad ee ka soo wareegtay xasuuqii Tuutsiga loo gaystay.

Kigali (GO) - Rwanda ayaa berri xuseysaa sannad-guuradii 30-aad ee ka soo wareegtay xasuuqii ay Qowmiyadda Hutu u geysteen qowmiyadda laga tirada badanyahay ee Tutsiga 1994-tii.

Xasuuqa ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 800,000 oo qof oo isugu jira rag, dumar iyo carruur, kuwaas oo u badnaa qowmiyadda Tutsiga, iyo sidoo kale Hutu-ga ku baaqayay in la joojiyo xasuuqa.

Soddon sano ka dib, dalkan yar ayaa dib isu dhisay taliskii madaxweyne Paul Kagame, laakiin dhaxalka naxdinta leh ee xasuuqa ayaa wali laga dareemaya dalka.

7-da Abriil, oo ah maalintii ay kooxaha xagjirka ah ee Hutu iyo maleeshiyaadku bilaabeen ololahooda dilka ee foosha xun 1994-tii, waxaa xusi doona Kagame oo tooshka ku ifaya Xasuuqa Kigali, halkaas oo la rumeysan yahay in lagu aasay in ka badan 250,000 oo dhibanayaal ah.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Duqa magaalada New York oo diiday in loo kordhiyo mushaharkiisa

Waxa uu Mamdani ka tirsan yahay Xisbiga Dimuqraadiga ah isla markaana hore uga tirsanaa Golaha Wakiillada Gobolka NY.

  • Caalamka

    18-07-2026

  • 07:48AM

Hoggaamiyaha Xuutiyiinta oo Sacuudiga ku eedeeyay inuu fulinayo danaha Mareykanka iyo Israa'iil

Al-Xuuti ayaa ku andacooday in shacabka Falastiin ay yihiin kuwa ugu badan ee waxyeelladu ka soo gaartay siyaasadaha Sacuudi Carabiya.

  • Caalamka

    16-07-2026

  • 02:29PM