Sacuudi Carabiya oo ku dhawaaqday maalinta ay bilaabi doonaan raadinta dhalashada bisha Ramadaan

Image
Maxkamadda sare ee dalkaasi ayaa soo saartay bayaan ay ku sheegeen maalinta ay bilaabi doonaan.

Riyadh (GO) - Maxkamadda Sare ee Sacuudi Carabiya ayaa maanta ugu baaqday dhammaan Muslimiinta ku nool Boqortooyada Sacuudiga inay baaraan aragtida bisha Ramadaan fiidnimada Axadda oo ku beegan 10-ka Maarso.

Maxkamadda sare ayaa ku sheegtay bayaan ay daabacday wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA:

"Maxkamadda sare waxay codsanaysaa in qof kasta oo bisha ku arka indhihiisa qaawan uu ku wargeliyo maxkamadda ama xarunta dowladeed ee si uu u diiwaan geliyo”.

Maxkamaddu waxay intaa ku dartay: “Maxkamadda sare waxay rajaynaysaa in ciddii kasta ay arrintan fiiro gaar ah u yeelato, oo ay ku biiraan guddiyada loo sameeyay gobollada.”

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Turkiga: Israel waxay raadinaysaa fursad ay ku weerarto Iran

Wasiirka ayaa intaa ku daray inuu si toos ah uga muujiyey walaacyada uu qabo mas’uuliyiinta Iiraan intii uu booqasho ku joogay dalkaas.

  • Caalamka

    24-01-2026

  • 10:41AM

Trump oo ka laabtay casuumaaddii Canada ee “Guddiga Nabadda” kadib hadalkii Carney ee Davos

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ka-qeybgalkeedu ku xaddidan yahay oo kaliya…

  • Caalamka

    23-01-2026

  • 01:05PM