Sacuudi Carabiya oo ku guuleysatay Martigelinta Bandhiga Expo2030

Image
Guusha Sucuudiga ayaa timid ka dib markii ay heleen 119 cod.

RIYADH (GO) - Sacuudi Carabiya ayaa maanta ku guuleysatay martigelinta bandhigga "Expo 2030", ka dib markii ay si weyn uga sarre martay Talyaaniga iyo Kuuriya Koonfureed doorashadii ka dhacday caasimadda Faransiiska ee Paris.

Guusha Sucuudiga ayaa timid ka dib markii ay heleen 119 cod waxaana codeeyay 180 dal ee xubnaha ka ah xafiiska bandhigga caalamiga ah.

Dhaxalsugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay in guushani ay xoojinayso doorka muhiimka ah ee Sacuudi Carabiya ku leedahay Caalamka.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Amiir Faysal bin Farxaan, ayaa xaqiijiyay in dalkiisa ay ka go’an tahay hirgelinta qorshaha kaga aadan Expo 2030.

Waxa uu tilmaamay in bandhiga oo u dhici doono qaab aan caadi ahayn, iyadoo diiradda la saarayo taabagelinta yoolalka horumarineed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM