Sacuudi Carabiya oo noqoneysa maalgeliyaha ugu weyn adduunka ee kumbiyuutarrada Gaaradka macmalka ah

Image
Boqortooyada ayaa qorsheyneysa inay 40 bilyan oo doolar ku maalgeliso Mashaariicdan.

Riyaad (GO) - Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa qorsheyneysa inay sameyso sanduuq qiimihiisu yahay 40 bilyan oo doolar si loogu maalgeliyo Mashaariicda la xiriira Garaadka macmalka ah, taasoo qeyb ka ah dadaallada xooggan ee Boqortooyada ku yareyneyso ku tiirsanaanta shidaalka.

Sacuudi Carabiya ayaa ka fiirsaneysa inay bilawdo sanduuqa qeybta labaad ee sanadkan, waana tallaabo Boqortooyada ka dhigaysa maalgeliyaha ugu weyn adduunka ee dhanka Gaaradka macmalka ah, sida uu sheegay wargeyska New York Times.

Sacuudi Carabiya ayaa dooneysa inay gaarto yoolalkan iyada oo u maraysa "sanduuqa madaxbannaanida", oo leh hanti qiimaheedu ka badan yahay $900 bilyan.

GAROWE ONLINE

 

 

 

 

 

 

 

 

Related Articles

Anas al-Shariif iyo shan wariyeyaal Al Jazeera ah oo lagu dilay duqeymaha Israa’iil

Al-Shariif, oo 28 jir ahaa, ayaa muddo dheer ka soo waramayey waqooyiga…

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 10:17PM

Masar iyo Turkiga oo Cambaareeyay Qorshaha Israa’iil ee Qabsashada Magaalada Gaza

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa si la mid ah uga hadlay arrintan, isagoo yiri, “Waa in si daahfuran looga hadlaa.

  • Caalamka

    10-08-2025

  • 05:40AM