Sacuudi Carabiya: Xiriir lama yeelan doono Israa’iil haddii aan dawladda Falastiin la aqoonsan

Image
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sucuudiga ayaa hadalkan ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Riyadh (GO) - Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga, ayaa xaqiijisay in mowqifka Boqortooyada Sacuudiga ku aadan qadiyadda Falastiin uu yahay mid adag, iyadoo carabka ku adkeysay baahida loo qabo in shacabka Falastiin ay helaan xuquuqdooda sharciga ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda Sucuudiga ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: “Wadahadallo ayaa socda kuwaas oo u dhexeeya Boqortooyada Sacuudiga iyo Mareykanka ee ku saabsan waddada nabadda Carabta iyo Israa’iil.

Wasaaradda ayaa bayaanka ku sheegtay in Sacuudiga uusan xiriir la yeelan doonin Israa'iil iyada oo aan la aqoonsanin Dawladda Falastiin.

Boqortooyadu waxay baaq u jeedisay beesha caalamka xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee aan weli aqoonsan dawladda Falastiin inay dardargeliyaan aqoonsiga dawladda Falastiin.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM