Sacuudiga iyo Xuuthiyiinta oo wadahadal uga furmay magaalada Riyadh

Image

RIYADH, Saudi - Xuuthiyiinta ayaa kuln kula yeelanaya magaalada Riyadh madaxda Sacuudiga, waxayna ka wadahadali doonaan sidii loo soo afjari lahaa dagaalka Yemen.

Tani waxay noqnoeysaa booqashadii ugu horeysay ee Xuuthiyiinta ku tagaan Riyadh tan iyo markii uu bilowday dagaalka Sacuudiga ay ku qaadday kooxda taageersan Iran.

Dhankeeda, Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijisay goor dambe oo fiidnimadii Khamiista inay martigelinayso wafdi ka socda Xuutiyiinta oo ka wadahadli doona geeddi-socodka nabadda ee Yemen, sagaal sano kaddib markii uu dagaal ka dillaacay waddanka ugu saboolsan Jaziiradda Carabta.

Waxaa xusid mudan in dalka Yemen uu tan iyo bartamihii sanadkii hore ee 2014-ka ka socday dagaal xoog leh oo u dhexeeya Xuutiyiinta iyo dowladda, kaasi oo sababay dhimashada iyo dhaawaca boqolaal kun oo qof.

Waana xaaladdii ugu xumayd ee bini’aadantinimo ee ka dhacda caalamka, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM