Sacuudiga oo dejiyay istaraatiijiyad abaabulan kana dhan ah Turkiga

Image

RIYADH, Sacuudi Carabiya – Boqortooyadda Sacuudiga ayaa lagu waramayaa in ay diyaarisay qorsheyaal ka dhan ah Turkiga, oo ay dooneyso in ay hoos ugu dhigto saameynta sii koreysa ee Ankara.

Wargeyska Middle East Eye ee fadhigiisu yahay magaaladda London, caasimadda UK, ayaa sheegaya in talaabooyinka oo ah kuwa aad looga soo fekeray loo fulin doono siyaabo kala duwan.

Qorsheyaasha ayaa waxaa kamid ah; joojinta wax-soosaarka dalkaasi, qaadicitaanka argagixisada ku sugan Turkiga, maalgeshi la’aan iyo hoos u dhigista saameynta Turkiga ee dunida Islaamka.

Xiriirka dowladahan ayaa mad-madow wuxuu soo galay kadib dilkii caalamka gilgilay ee wariye Jamal Khashoggi kaasoo lagu khaarijiyey Qunsulyadda Sacuudiga ee Istanbul, lana waayey meydkiisa.

Falka lagu naf-gooyay Khashoggi, oo ahaa suxufi aad uga soo horjeeday siyaasadda dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya, ayaa lagu eedeeyay Riyadh, wallow ay dhowr jeer gaashaanka ku dhufatay.

Baare gaar ah oo ka tirsan Qaramadda Midoobay ayaa warbixin ay soo saartay waxay kusoo jeedisay in baaritaan lagu sameeyo Maxamed Bin Salman, lana baaro suurtogalnimadda in uu kaalin ku lahaa.

Sikastaba, dalalkan oo baratan dhanka dunida Islaamka ah uu ka dhaxeeyo ayaa waxa aysan weli ka jawaabin warbixintan oo lagu soo xigtay illo wareedyo labadda ka tirsan, kuwaasi oo magacooda qariyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Heshiiska Is-afgaradka Mareykanka iyo Iiraan: Maxaa ku jira, maxaase weli mugdi ku jira?

Heshiiskan oo ka kooban 14 qodob, isla markaana aan aad u dheereyn, ayaa diiradda…

  • Caalamka

    18-06-2026

  • 12:48AM

Trump: Ruushka Waa Inuu Heshiis Nabadeed La Gaaro Ukraine

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa sababay dhimashada kumannaan qof iyo barakaca malaayiin kale.

  • Caalamka

    16-06-2026

  • 02:00PM