Sacuudiga oo "fashiliyey" gantaal ay kusoo rideen Xuutiyiinta

Image

RIYADH, Saudi Arabia - Nidaamka difaaca hawada ee xulafada Sacuudiga horkacayo ayaa goor dambe oo Sabtidii ah qabtay diyaarad walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo ay soo direen Xuutiyiinta Yaman kuna wajahneyd Sacuudi Carabiya, sida uu shaaca ka dhigay xarunta taliska xulafada.

Bayaan lasoo marsiiyey TV-ga dowladda ee Al-Ekhbariya ayuu isbaheysiga ku sheegay in hubka loo adeegsaday UAV uu kusii jeeday magaalada koonfurta Sacuudiga ku taal ee Khamis Mushait oo ku teedsan xuduudka dalka ay colaaduhu la dageen ee Yemen.

Falkan ayaa kamid noqonaya weeraro taxano ah loona adeegsanayo gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn oo kooxdan ay Iran taageerto ku beegsaneyso Sacuudiga tan iyo markii Boqortooyada ay ku duushay Yemen kadib markii ay qaraxdey colaada dalkaas.

Tan iyo bishii Janaayo, Xuuthiyiinta Yemen ayaa tobanaan weerar cirka ah ku qaaday Sacuudi Carabiya iyagoo bartilmaameedsanaya "aagagga rayidka iyo xarumaha tamarta ee Boqortooyada".

"Iyagoo iska indhatiraya baaqyada lagu taageerayo wadaxaajoodka nabadeed ee ay garwadeenka ka tahay Qaramada Midoobay, maleeshiyada ayaa sidoo kale diiday inay soo afjaraan weerarada ay ku hayaan magaalada Marib ee waqooyiga iyo bartamaha Yemen," ayay warisay saxaafada Sacuudiga.

Afhayeenka Isbahaysiga, Sarreeye Guuto Turki al-Maliki wuxuu yiri: “Maleeshiyada Xuutiyiinta waxay si ula kac ah u kordhiyeen falalka cadaawadda iyo argagixisada oo ay ku bartilmaameedsanayaan dadka rayidka ah; ficiladaas waxay noqonayaan dembiyo dagaal".

Al-Maliki ayaa Sabtidii beeniyey muuqaallo "been abuur ah" oo ay sii daayeen xuutiyiinta Xuutiyiinta oo sheeganaya duulaan ay dagaalyahanadooda ku soo qaadeen aagga xadka Sacuudi Carabiya ee jiidaha hore. Ma jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinayaa sheegashooyinka labada dhinacba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Gargaar oo ku Wajahnaa Gaza oo Israa’iil Qabatay

Gaza ayaa noqotay xabaalo dusha ka furan, iyadoo adduunka intiisa kale laga jaray, iyadoo aan la gelin karin gargaarka bini'aadanimo.

  • Caalamka

    09-06-2025

  • 06:01AM

Trump: Aniga iyo Elon Musk Xiriirkeennii wuu dhammaaday, Cawaaqib xun ayuu la la kulmi doonaa

“Waxaan u maleynayaa inay sidaas tahay, haa,” ayuu yiri Trump markii la weydiiyay haddii uu u maleynayo in xiriirkooda uu dhammaaday.

  • Caalamka

    08-06-2025

  • 08:56AM