Sacuudiga oo hanjabay dadka dalal ay ku jirto Soomaaliya

Image

RIYADH, Saudi Arabia - Sacuudi Carabiya ayaa ku hanjabtay inay ku ganaaxayso 500,000-riyal ($133,300) dadka safarka ah ee ka imanaya waddamada ay saartey xayiraad socdaalka safmareenka Covid-19 awgii.

Xafiiska dacwad oogaha guud ayaa sheegay in dadka socotada ah ee imanaya duulimaadyada caalamiga ah ay tahay inay kala caddeeyaan haddii tageen mid ka mid ah dalalka liiska ku jira oo Soomaaliya kamid tahay.

"Haddii qofka uu xaqiijiyo in uu booqdey mid kamid ah wadamadaas waxay horseedeysaa ciqaab kale oo aad u adag," ayuu xafiiska ku yiri war-saxaafadeed uu soo saarey Isniinti shalay ahayd.

Dhowr maalmood ka hor Sacuudi Carabiya waxay ku dhawaaqday xayiraad socdaal oo saddex sano ah taasoo muwaadiniinteeda ay uga mamnuuceyso booqashadda waddamada ay liiska madow ku dartey.

Talaabadan waxaa la sheegay in ay qeyb ka tahay dadaalkeeda ku aaddan ka-hortagga nooca cusub ee safmareenka Covid-19 ee Delta oo dalal badan dhibaato weyn ku hayay in kasta oo ay jiraan dadaallo tallaal.

Dalalka liiska madow lagu daray waa Afghanistan, Armenia, Belarus, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Ethiopia, India, Iran, Lebanon, Libya, Somalia, Syria, Turkey, UAE, Venezuela iyo Yemen.

Boqortooyadda Sacuudi Carabiya ayaa illa ahaatan waxay diiwaan-gelisay in dadka haleelay fayruska ay yihiin in ka badan 526,000, halka dhimashadda ay sii caga-cageyneyso 8,249.

Nooca cusub ee Coronavirus Delta oo ah mid aad la isugu gudbin karo ayaa noqday kan ugu badan dalal badan oo ay ku jirto Sacuudiga uu dadku haleelay bilooyinkii lasoo dhaafay kuna qasbay dalal dhowr bandow culus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM