Sacuudiga oo in ka badan 200 qof loogu xiray musuqmaasuq

Image

RIYADH, Saudi Arabia - Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay xariga 207 shaqaale ka tirsanaa dhowr iyo toban ka mid ah wasaaradaha dowladda. Waa talaabadii ugu dambeysay oo ay fuliso hay’ad ka hortagga musuqmaasuqa oo uu awood u siiyay dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan.

Komishanka Qaranka ee La-dagaallanka Musuqmaasuqa, oo loo yaqaan “Nazaha”, ayaa shaaciyey qabqabashada dabayaaqadii Isniintii. Maxaabiistaas lama sheegin magacyadooda mana cadda goorta la qabtay.

Ololaha la-dagaallanka musuqmaasuqa wuxuu Amiirku bilaabmay dabayaaqadii 2017. Waxay ka caawisay inuu xoojiyo awoodiisa wuxuuna hantidii dawladda ka helay $106 bilyan.

Muwaadiniinta Sucuudiga ayaa muddo dheer ka cabanayey musuqmaasuq baahsan oo ka jira dowladda iyo hantida dadweynaha oo ay lunsadaan ama si xun u isticmaalaan dadka awoodda leh.

Guddigu wuxuu sheegay in in ka badan 460 qof lagu baaray wareeggan ugu dambeeyay, taasna ay keentay in la xiro 207 qof oo muwaadiniin iyo deggenayaal Sacuudi ah oo lagu eedeeyay musuqmaasuq, ku-takrifal awoodeed iyo khiyaano.

"Eedeysanayaasha waxaa loo gudbin doonaa dacwad-qaadid," ayuu guddigu yiri. Waxay ka tirsan yihiin ilaalada qaranka iyo wasaarado kala duwan, oo ay ku jiraan gaashaandhigga, arrimaha gudaha iyo caafimaadka iyo caddaaladda, iyo kuwo kale.

Bishii Abriil, guddigu wuxuu sheegay in 176 qof oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee dawladda si la mid ah loo xiray eedeymo salka ku haya musuqmaasuq lasoo waryey.

Dabayaaqadda sanadii 2017, Amiir Maxamed wuxuu bartilmaameedsaday in ka badan 300 oo amiir, shaqsiyaad caan ah iyo ganacsato waaweyn oo xubno firfircoon ka ahaa qaab dhismeedka sare ee ku xeeran qoyska Al Saud ee talada dalka haya iyo shabakadaha gacansaarka la leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garsoore Mareykan ah oo soo farageliyay kiiska baaritaanka Ilhaan Cumar

CNN ayaa sheegtay in Wasaaradda Caddaaladdu ay dooneysay awood ballaaran oo ay ku baarto dukumentiyada laga qaaday guriga Ilhan.

  • Caalamka

    17-10-2026

  • 09:07PM

Nin u dhashay Sacuudiga oo la xiray kadib markii qalab wax lagu duubo si qarsoodi ah ugu xiray xafiiska OpenAI

Patel ayaa sheegay in ujeeddada la tuhunsan yahay ay ahayd in lagu helo xog la xiriirta wax-soo-saarka sirdoonka macmalka ah ee OpenAI.

  • Caalamka

    14-10-2026

  • 05:50AM