Sacuudiga oo ka digay Shirkadaha Xajka ee bixiya dukumentiyo been abuur ah

Image
Wasaaradda Arrimaha Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa degniintan soo saaray.

Riyadh (GO) - Wasaaradda Arrimaha Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa uga digay shirkadaha ku shaqeysta bixinta dal ku gal been abuur ah, kuwaas oo baraha bulshada ku xayaysiiya adeegyadooda.

Wasaaradda ayaa u tilmaamtay dadka Muslimiinta ee sanadkan 1445/2024 doonaya inay xajiyaan inay adeegyadooda ay u doontaan xaafiisyada rasmiga ah ee la siiyay ogalaasha bixinta xajka, kuwaas oo ah cidda kali ah ee xaqa u leh bixinta adeegyo sax ah.

Shirkadaha been abuurka ah ayaa ku shaqeysta baraha bulshada,iyagoo dadka la wadaagaya macluumaadyado been abuur ah,iyagoo sheegaya inay ogalaasha rasmi ah ka heystaan wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya,taasoo ah mid aanan waxba ka jirin.

Dhanka kale,Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa ku boggaadisay dadaalka ay hay’adda Sare ee Arrimaha Xajka iyo Cumrada dalka Ciraaq kaga hortagtay qaar kamid ah shirkadaha been abuurka ku shaqeyta,iyadoo xirtay in ka badan 25 shirkadood oo been abuur ah.

Wasaaradda Arrimaha Xajka iyo Cumrada ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa ugu baaqday dalalka Islaamka inay la dagaalamaan kuwa caadeystay ku shaqeysiga been abuurka,waxayna dadyoowga Adduunka ee doonaya inay xajiyaan sanadkaan ku adkeysay ka fejignaanta halista shirkadahaas ku shaqeysta hanaanka qaldan ee dadka lagu dhacayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM