Sacuudiga oo ka qeybgalay Shir lagu difaacayo madax-banaanida Soomaaliya

Image

MANAMA - Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, Abdulrahman Al-Rassi, ayaa Talaadadii ka qeyb galay shirka kooxda wada shaqeynta ee heer wasiir oo ka dhacay magaalada Manama ee dalka Baxreyn.

Shirka ayaa ku saabsanaa sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa kahor tagga faragelinta lagu hayo madax-banaanideeda .

Intii uu socday kulanka, kooxdu waxay ka wadahadleen muhiimadda ay leedahay xoojinta isku-xirka Carabta ee arrimaha danta guud, iyo muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madax-bannaanida dawladaha si waafaqsan shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa ergeyga joogtada ah ee Sacuudiga u fadhiya Jaamacadda Carabta, Cabdulcasiis Al-Matar iyo agaasimaha guud ee xafiiska wasiir ku xigeenka, Mohammed Al-Shehri, iyo mas’uuliyiin kale.

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM